Murrashax Cirro oo Cirro oo Baaq u Jeediyay Madaxweyne Muuse iyo Guddida Garxajis
Hargeysa(Qaran news)- Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa madaxweynaha iyo guddida Garxajis ugu baaqay inay qoddobadii go’aanka ergada ee arrimaha farsamada u baahnaa ay fuliyaan.
Murrashax Cabdiraxmaan Cirro hadal kooban oo uu ka jeediyay xaflad lagu qabtay Hargeysa, wuxuu mar kale soo dhaweeyay go’aankii lagu xaliyay khilaafkii dhinaca doorashooyinka ee dalka ka taagnaa labada sanno, iyadoo ergadu soo jeedisay in la isi saaro doorashooyinka Madaxtooyada iyo Ururrada siyaasada 13ka November 2024
Md. Cirro wuxuu bogaadiyay Guddoomiyaha Ururka Waaberi Cumar Shucayb oo uu ku amaanay inuu ahaa urur siyaasadeedkii u horreeyay ee aqbalay go’aankii ergada.
Sidoo kale wuxuu madaxweynaha iyo Guddiyada beelaha Garxajis ku booriyay inay fuliyaan qoddobada dhinacooda khuseeyay.