Murrashax xisbiga WADDANI oo Madaxweyne Muuse ku Eedeeyay inuu uu hurinaayo Dagaal, kana Warwareegayo Doorashooyinkii lagu heshiiyay

Hargaysa(Qaran) Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyay inuu ka warwareegayo doorashooyinkii lagu heshiiyay ee ergadii beesha bariga Burco ka soo saartay go’aamada.

Murrashax Cabdiraxmaan Cirro wuxuu sidaas ka sheegay mar uu la kulmay jaaliyadda iyo taageereyaasha xisbiga WADDANI ee dalka Finland, waxaanu caddeeyay in xisbi ahaan ay saacad walba u taagan yihiin difaaca dalka, hase ahaatee ay aaminsan yihiin inay Somaliland ugu badinayso nabadgelyo.
Waxa kaloo uu tilmaamay inay ka shaqeynayaan midnimada Somaliland, wuxuuna xusay in dadka reer Sool iyo Sanaag bari ay yihiin muwaadiniin aan dalka laga sheegan karin oo dalka wax ku leh.
Murrashax Cabdiraxmaan Cirro wuxuu ku eedeeyay Muuse Biixi inuu ka warwareegayo doorashooyinkii lagu heshiiyay oo uu u bu’ayo dagaal aanay Somaliland waxba ka faa’iidin. Waxaanu iftiimiyay in doorashooyinku yihiin qaar muhiim u ah midnimada iyo horumarka Somaliland.

Waxa kaloo uu ku dhalliilay Xukuumadda in aanay maalin kaliya ka hadal ragga Somaliland laga qabtay, taasina ay tahay dhacdo lafjab ah.
Ugu dambayn, Mudane Cabdiraxmaan Cirro wuxuu qurbajooga Somaliland uga mahadceliyay siday u garab taagan yihiin WADDANI, wuxuuna ugu baaqay inay u midoobaan danta dalka oo ay ka fogaadaan wixii cuddudooda kala qaybinaya.