Musharaxa xisbiga Waddani mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa isaga oo ku sugan magaaladda Madiina ee dalka Sucuudiga waxa uu halkaasi xalay casho sharaf kula qaatay ardayda reer Somaliland ee halkaasi wax ka barta.

Hadaba Dr Cabdiraxmaan Cirro oo faah faahin kulankaasi ka bixiyay ayaa qoraal uu soo dhigay barta X waxa uu u dhignaa sidani.


Caawa waxa aan kulan casho sharaf iyo is xog-wareysi isugu jira kula qaadannay magaalada barakeysan ee Madiinatul Munawarah ee dalka Sucuudiga qaar ka mid ah ardeyda reer Somaliland ee Jaamacadda Islaamiga ah ee Madiina wax ka dhigata.

Ardeyda waxa aan uga mahadcelinayaa xogta ay naga siiyeen noloshooda, heerkooda waxbarashada iyo guud ahaan xogta jaaliyadda reer Somaliland ee reer Madiina, Ilaahayna waxa aan uga barinay in ay ku guuleeystaan hadafkooda waxbarasho, dalkoodana ku soo noqdaan oo ay dadkooda wax la qabsadaan