Munaasibadda 63 guurada, 26ka-June 1960-kii oo ahayd maalintii aynu xornimada ka qaadannay Maxmiyaddii Boqortooyada Ingiriiska, waxa aan salaan, bogaadin iyo hambalyo kal iyo laab ah hawada u marinayaa dhammaan Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay ku nool yihiin.
Shacabka reer Somaliland, caawa oo kale waxa ay u tahay habeen taariikhdooda dawladnimo baal-dahab ah kaga xardhan, dhanka kale-na waxaa faan iyo taariikh fac weyn inoo ah in aynu nahay curadkii Soomaali oo dhan u horseeday madax-bannaanida & Gobonnimada.
Ilaahay-na waxa aan innooga baryayaa in sannadkan iyo sannado kale oo badan innagu gaadhsiiyo, midnimo dhexdeenna ah, aqoonsi caalami ah, horumar-waara, doorashooyin xor iyo xalaal ah, Ilaahayna ku guuleeyo Shacabka Somaliland samirka iyo dhabar-adaygga ay u sameeyeen Qarankooda ay halganka dheer u soo galeen. Dalkeenna Jamhuuriyadda Somaliland guul iyo gallad Eebe korkiisa ha saaro.
Walaalayaal, ku ciida farxad, nabad iyo hiigsi aan gudhayn, ballanteennuna waa midnimo, walaalnimo, iyo gobannimo.โ€
Musharrax Madaxwayne Dr.Cabdiraxmaan Cirro
May be an image of 4 people and text