Musharaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa safar kadis ah ugu baxay dalka Itoobiya .
Warar ay Warbaahintu heshay ayaa sheegaya in Musharaxu uu marti qaad ka helay dalka Itoobiya , walow aan si rasmi ah looga ogeyn ujeedka rasmiga ah ee safarkaas .
Safarkan ayaa ku beegmay xilli ay dawlada Itoobiya ay dhex dhexaadin nabadeed ka dhex wado Somaliland iyo madax dhaqameedka gobalka Sool