Shirka Guddida Fulinta iyo Xoghayeyaasha Xisbiga WADDANI oo uu guddoominyay guddoomiye ku xigeenka xisbiga ahna kusimaha guddoomiyaha Mudane Maxamed X Yuusuf Waabeeyo ayaa maanta ka qabsoomay Xarunta Dhexe ee Xisbiga.
Musharraxa madaxweynaha ee Xisbiga Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo kusimaha guddoomiyaha Mudane Waabeeyo ayaa masuuliyiinta uga xog warramay xaaladda guud ee siyaasadda Somaliland.
Sida oo kalena waxa kulanka lagu kala qaatay warbixin ku aaddan qorshaha xisbiga ee arrimaha doorashada madaxtooyada oo ay ugu soo horayso qaybinta kaadhadhka codbixinta iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa.
Waddani Party.