Murrashaxa Madaxweyne Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa qaabilay Xil Cabdirashiid Haybe Faarax Iyo xil Caydaruus Muxumed Sh Cumar oo Golaha Degaanka Degmada Gabiley ka tirsan kuwaas maanta ku soo biiray Xisbiga Waddani.

Kulanka Murashax Labada Xildhibaan La Yeesheen Ayaa Wax Goobjoog ka Ahaa qaar Ka Mid Ah Masuuliyiinta Xisbiga Waddani Oo Ka Soo Jeeda Gobolka Gabiley

Kulankaas ayaa labada Xildhibaan Ka Sheegeen Inay Qayb Ka Noqon doonaan Sidii Murrashax Cirro Kursiga Madaxweynaha Soomaliland loogu dooran lahaa.