Musharraxa madaxweynaha Xisbiga WADDANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Guddoomiyaha Xisbiga mudane Xirsi Cali X Xasan iyo masuuliyiin wehelinaya ayaa galabta la shaaheeyay qaybo ka mid ah bulshada degmada Axmed Macallin Haaruun ee magaalada Hargeysa.
Madaxda Xisbiga iyo bulshada ayaa halkaasi wakhti fiican ku wada qaatay islamarkaana iska xog waraystay xaaladda dalka gaar ahaana sidii loo laba jibbaari lahaa dadaalka diwaangelinta maalmaha kooban ee hadhay.