Musharaxa Madaxweyne Kuxigeenka Xisbiga Waddani Amb.Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa hoygiisa magaalada Borama ku soo dhaweeyey Odayaasha, Dhalinyarada Waxgaradka Aqoonyahanka Beelaha Maxamuud Yoonis, Dharaar Yoonis Ee Beelaha Jibriil Yoonis oo si rasmiya cududooda Taageero ugu Biiriyey Xisbiga Waddani.

Xoghayaha Barakacayaasha iyo Qaxootiga Xisbiga Waddani Khalid Bullo ayaa kaalin weyn ka qaatay arintaasi hirgelinteeda.

Waxa kale oo kulankaasi musharaxa ku wehelinayey Afhayeenka Xisbiga Waddani, Siyaasi sare Maxamed Jaamac Abgaal iyo sarakiil sare oo xisbigaasi ka tirsan

Musharaxa Madaxweyne Kuxigeenka Xisbiga Waddani iyo Beelahaasi oo kulan dheer yeeshay ayaa siweyn ugu qorfeeyey sidii looga wada qayb qaadan lahaa Tareenka Isbedel Doonka ee u Hoggaaminayo Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.