Musharraxa Madaxweyne Ku xigeenka Xisbiga Waddani oo kulan la qaatay Dhalinyarada Gobolka Awdal.
Amb. Maxamed Cali Aw- Cabdi Musharraxa Madaxweyne kuxigeen ee Xisbiga Waddani ayaa kulan balaadhan la yeeshay dhalinyarada Gobolka Awdal. Kulanka ayaa lagu gorfeeyey Barnaamij Siyaasadeedka lagu dooranayo Xisbiga Waddani, iyagoo oo halkaasina dhalinyaradu su’aalo kale duwan ku waydiiyey Musharaxa.
Waxa Kulanka ku wehelinayey Musharaxa Madaxweyne kuxigeenka Xisbiga Waddani, Afhayeenka Xisbigaasi, Xoghayaal iyo Masuuliyiinta Xisbigaasi ee Gobolka Awdal.