Mustaqbalka Ma Aha Wax Aynu Sugno Waa Wax Aynu Maanta Dhisno
Qore: Mohamed Farah Tahar Independent Researcher | Public Administration Specialist
Mustaqbalka dhalinyarada Somaliland ma aha wax aynu sugno; waa wax aynu maanta dhisno.
Waxa aynu maanta baranno, xirfadaha aynu kasbanno iyo go’aannada aynu qaadanno ayaa qayb
ka noqonaya nolosha aynu berri yeelan doonno.
Dhalinyaradu waxay haystaan fursado badan oo ay ku horumarin karaan naftooda, gaar ahaan waxbarashada, technology-ga, ganacsiga iyo xirfadaha casriga ah. Caqabaduhu way jiraan,
laakiin caqabaddu ma aha sabab lagu sugo; waa sabab lagu diyaargaroobo.
Kordhinta Qiimaha: Aqoon iyo Xirfad Isku Weheliya
Shahaado keliya kuma filna. Dhalinyaradu waxay u baahan yihiin aqoon ay ku daraan xirfad iyo
khibrad. Qofka maanta barta xirfad cusub wuxuu kordhinayaa fursadda uu berri ku heli karo
shaqo ama ku abuuri karo fursad isaga iyo dadka kaleba anfaca.
Dunidu waxay ina siisay tusaalooyin dhiirrigelin leh:  Malala Yousafzai: Iyadoo da’yar u istaagtay muhiimadda waxbarashada, iyadoo
17 jir ahna noqotay qofkii ugu da’da yaraa ee ku guuleysta abaalmarinta
nabadda ee Nobel Peace Prize.  Strive Masiyiwa: Ganacsadaha Afrikaanka ah ee fikrad iyo adkaysi u beddelay
ganacsi saameyn ballaaran yeeshay. Casharka laga baran karo ma aha in qof kastaa noqdo qof caan ah. Waa in da’da, meesha aad
joogto iyo waxa aad maanta haysato aysan go’aamin karin halka aad berri gaadhi karto.
Doorka Muhiimka ah ee Technology-ga
Technology-guna wuxuu dhalinyarada Somaliland siinayaa fursado cusub. Internet-ka waxaa lagu baran karaa xirfado, lagu heli karaa aqoon, laguna abuuri karaa adeegyo iyo ganacsiyo cusub.

Sidaas darteed, waa inaan ka gudubnaa isticmaalka technology-ga oo keliya, una
gudubnaa waxbarasho iyo wax-abuur. Aragtidayda, dhalinyarada Somaliland waa inay noqdaan qayb ka mid ah xalka:  Qofka wax bartay ha aqoontiisa la wadaago.  Qofka xirfad leh ha qof kale baro.  Qofka fikrad haystana ha tijaabiyo.

Ficilka Maanta iyo Bilowga Yar
Horumarku mar walba kuma bilaabmo wax weyn. Buuggu hal bog ayuu ka bilaabmaa, xirfaddu
casharka koowaad ayay ka bilaabataa, ganacsiguna fikrad ayuu ka bilaabmaa.
Sidaa darteed, dhalinyarooy, ha sugin fursad qumman. Ku bilow waxa aad haysato, baro waxa kaa dhiman, kuna shaqee waxa aad rabt o inaad noqoto.

Mohamed Farah Tahar

maantahar@gmail.com