Muuse Biixi oo Doorashada Faratoon u adeegsaday Beerlaxowsi Siyaasadeed

Hargeysa(Qaran news)-Muuse Biixi oo Doorashada Faratoon u adeegsaday Beerlaxowsi Siyaasadeed
-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa guusha Guddoomiye Faratoon u adeegsaday inuu farriin beer-laxowsi ah u diro waxgaradka reer Sool ee ka tagay Somaliland.

Madaxweynaha oo degdeg u qaabilay shirgudoonka Wakiillada waxyar ka
dib doorashadii Guddoomiye Faratoon.

Madaxweynuhu waxa uu doorashada Faratoon ku sifeeyey farriin cad dunida ku socota laguna muujinayo sida ay bulshadu uga midaysan tahay wax wada-lahaanshaha iyo nabad ku wada noolaanshaha,“Maanta waxad dirteen cod qarannimo, cod nabadeed ayaa dirteen , cod wax wada lahaanshaa dirteen, cod ergo oo reer Sool ku socdaad dirteen maanta, cod khilaafka xallintiisa ah baad dirteen, waxad dirteen cod qarannimo ee muu ahayn cod siyaasadeed iyo mid wax kala jiidasho, caalamka waxad u dirteen farriin qarannimo oo ah marka uu qaranku u baahan yahay inaynu isku mid nahay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Maxamuud Xaashi iyo Ururkiisa KAAH oo Faratoon dhawaan ku biiray ayaa dedaal weyn u galay doorashadiisa, xukuumaduna waxay uga faa’iidaysatay siyaasiyan in ay bulshada reer Sool u tusto inay jeceshahay in la ilaaliyo saamiga gobolka Sool ku leeyihiin dawladda Somaliland.
Arrintaasina waxay keentay inuu noqday qofkii u hooreeyay ee isla soo sawiray.