
Muuse Biixi iyo Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin ayaa uu soo shaac baxay khilaaf huursanaa oo u dhaxeeyay labadooda kaasi oo salka ku hayay arimaha xisbiga oo uu khilaaf ragaadiyay
Maanta Maxamed Kaahin oo ah gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ayaa mudo laba sanadood ah dib u dhigay shir weynahii xisbiga Kulmiye oo uu ku hareeraysnaa khilaaf xogani.
Hadaba dib u dhigistaasi ayaa waxa isna ganafka ku dhuftay madaxweynahii hore ee Somaliland isla markaasna ahaa gudoomiuahii hore ee xisbiga Kulmiue Mudane Muuse Biixi Abdi oo hada ah xubin mihiim ah oo ka tirsan xisbiga Kulmiye
Mr Biixi waxa uu sheegay in ayna macquul sinaba u ahayn in shirkaasi dib loo dhigo isga oo ku dooday in shirweynahii xisbiga lagu qabto wakhtigiisii.
Tani waxa ay sii hurinaysaa khilaafkii ka dhex oognaa xisbiga Kulmiye ee loo maaro waayay.






