Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ayaamahanba ku sugnaa gobolka Togdheer ayaa hada u gudbay galbeedka gobolka Sool, socdaalka madaxweynaha ayaa salka ku haya ololaha doorashada fooda inagu soo haysa.
Muuse Biixi ayaa socdaalkiisa waxa uu ugu kuur galayaa sidii uu u kasban lahaa aqlabiyada beesha bariga Burco oo doorashadii hore kursiga ku fadhiisisay.
Dacawo halkii ay macal ku cunto ayay macaluul ugu bakhtidaa. Muuse Biixi waxa uu ku hungoobay in uu hantiyo aqlabiyada beesha Habarjeclo waxana uu hadalo isku mid ah kala kulmay magaalooyinka Burco iyo Caynaba waxana si midaysan loogu sheegay in maanta uu dalku u baahanyahay doorasho,, taasi oo aan hava yaraatee loo bashnayn in sinaba loo carqaladeeyo doorashada madaxweynaha waxana loo sheegay in uu calafkiisa ka qaado deegaanada beelaha Habarjeclo.
Waxana aad loogu adkeeyay midaynta reer Somaliland iyo in aanu maalin qudhaata la dhaafin xiliga ay doorashadu u astaysnayd
wixii tallo la siinaayayna hoos ayaa loogu sheegay madaxweynaha.
Muuse Biixi oo todobadii sanadood ee ina soo dhaafay ka talinaayay Somaliland ayaa ah madaxweynahii ugu liitay ee soo mara Somaliland waana shaqsi loo tirinaayo dib u dhaca maanta haysta Somaliland dhaqaale ahaan iyo awood ahaanba.
Waana shaqsi dayacay dadkii shalay soo doortay oo eeday fartoodii