Madaxweynihii hore ee Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa xaalad caafimaad maanta dalka Imaaraadka ugu safray.

Mr Biixi ayaa maalinta bari ah balan la leh dhakhtarkii daweeyay dhowr bilood ka hor oo uu xagaasi ugu tagay.

Muuse Biixi ayaa buuq xoogani ka dhex abuuray xisbiga Kulmiye xiligani arintaasi oo cirkaasi maraysa taasi oo sababtay in madaxdada xisbiga Kulmiye ay warbaahinta uga jawaabaan iyada oo Maxamed Kaahin iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale ay dhaliil xoogan u soo jeediyeen Muuse Biixi oo raba in uu mar kale xisbiga Kulmiye uu musharax u noqdo