“Muuse Biixi waa Nin Dagaal u Hamuumaya oo aan Dan ka lahayn Dalka” Faysal C.Waraabe
Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii ka soo yeedhay Madaxweyne Muuse Biixi ee ahaa in doorashooyinka loo fulinayo sidii Komishanku u qoondeeyeen isaguna uu saxeexay.
Arrintaasi oo dadka siyaasadda falan-qeeyaa u arkaan in hadalka madaxweynuhu ka hor imanayo dhammaan dedaaladii madax dhaqameedka bariga Burco ay ku doonayeen in la furdaamiyo khilaafka ka taagan doorashooyinka oo sababay in dhallinyaro cadhaysani ay galeen buurta Gacan-libaax.
“Khudbadii maanta ee Ina Biixi, waxay ummadda intii hadhsanayd tustay Shakhsiyadiisa dhabta ah. Nin u hamuumaya dagaal, dana ka lahayn dad iyo dal-toona, wuxuu doonayo u yaaqan sharci,”ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo farriin kooban ku qoray bartiisa Facebook.
Guddoomiyaha UCID oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaan reer SL ugu baaqayaa in Muuse dalka laga badbaadiyo, Wuu ka khatar-badan-yahay Huwanta G-21.”