Madaxweynaha Somaliland ee kursiga ku fadhiya mudo kordhinta Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta warbaahinta la hadlay isaga oo daboolka ka qaaday in uu qabanaayo doorashadii mudada dheer dib u dhacday ee dalka galisay buuqa siyaasadeed.

Waxa uu sheegay in uu doorashada soo socota guulaysan doono, waxana uu ku booriyay in doorashada si hufan loo galo.

Muuse waxa uu maanta la shir yimid laba su’aalood oo cusub ta koowaad waxa uu dadka waydiiyay cida aan isaga iyo xisbigiisa ahayn ee dalka u soo halgantay ee Siyaad Barre dalka ka xoraysay, taasi oo ay xisbi walba ay ku jiraan rag u soo halgamay iyo kuwo aan u soo halgamin se ficilo kala gadisan xorayntii xiligaasi kaga qayb qaatay.

Su’aasha labaad ee umadda ka yaabisay waxa ay ahayd in isaga lugta la qabtay isaga oo aan sharaxin waxa uu uga jeedo, madaxweynahu uu ku fashilmay in uu umadda la hor yimaaddo 7 sanadood oo uu xafiiska fadhiyay in uu keeno wax uu qabtay oo uu ku faano.

Marka aynu u fiirsano hadalkii madaxweynaha ee maanta waxa uu ahaa mid cadho hadlaaya oo ku fashilmay hagista dalka iyo in uu soo bandhigo oo uu ku qanciyo ama ku soo jiito kii taageersanaa iyo kii ka soo hor jeedayba.

Isku soo wada duuboo madaxweynahu waxa uu diray laba fariimood oo iska soo hor jeeda oo kala ah in aan caadifad iyo hadalo xinif leh aan doorashada xiligeeda aan lala iman iyo isagii oo maanta shaqsi weerar iyo hadalo aan munaasib ahayn ku furay isaga oo ganay laba waran oo aan meeshaba ku eekayn oo ah yaa sheegan kara in uu soo halgamay iyo in lugta la qabtay arinkaasi oo looga fadhiyo sharaxaadeeda.

Tani waxa ay abuuri kartaa buuq siyaasadeed oo uu madaxweynuhu uu daboolka ka qaaday hadana jawaabteeda laga sugaayo xisbiyada mucaaridka