Iimaaraadka carabta ayaa amray in la gaabiyo khudbada Jimcaha ee masaajidyada si dadka cibaadaysanaya looga ilaaiyo kulaylka aadka u daran, ayadoo heerkulka sare u kacay lala xiriirinayo isbeddelka cimilada.
Maamulka guud ee arrimaha islaamka ayaa qoraal uu soo saaray Khamiistii wuxuu amar ku bixiyey in iimaamyadu ay khudbadooda ku soo gaabiyaan 10 daqiiqo muddada u dhaxaysa bilaha Juun ilaa iyo Oktoobar, markaas oo heerkulku uu yaraan doono.
Inta badan khudbadaha jimcaha ayaa socda ilaa 20 daqiiqo, laakinse intaa wuu ka badan karaa wakhtiga. Waxaa kaloo jira in masaajidyadu markay buuxsamaan ay dibadda dad aad u badan salaadda ku tukadaan.
Hadalka qoraalka ah ayaa lagu sheegay in go’aankan loo qaatay “bedqabka dadka cibaadeysanaya, gaar ahaan inta lagu guda jiro bilaha xilliga xagaaga”.
Talaabadan ayaa ku soo beegmaysa ayadoo maamulayaashu ay wadaan dadaal la doonayo in looga baaqsado waxyeellada caafimaad ee kulaylka iyo dhibaatooyinka la socda xilli meelo dalka ka mid ah heerkulku uu gaaray 50 darajada Celsius.
Maxamed Yaasiin oo ku nool Dubai Sports city wuxuu Wargeyska Khaleej Times u sheegay inuu talaabadaas soo dhoweynayo. “dhawaanahan xilli dambe ayaan tagayey masjidka, dibadda oo qorrax daran ay ka jirto ayaanan ku tukanayey. Waxaan dareemayey sidii in timuhu ay I ololayaan kulaylka jira dartiis. Waxaan rajeynayaa in iimaamyadu ay aayado gaagaaban dadka ku tujiyaan, salaadahana ay dadka u fududeeyaan”.
Iimaam Ayaz Housee oo ku nool Dubai wuxuu sheegay in dad badan ay sugayaan khudbada jimcaha “Waa khudbad ay dadku sugayaan todobaadka oo dhan, sidaa darteedna waxay aad ugu dadaalaan in aysan dhaafin inkastoo masaajidyadu ay buuxsamaan””
Sacuudiga iyo dalal kale oo khaliijka ku yaalla ayaa iyagana talaabadan oo kale qaaday. Hay’adda arrimaha diinta u qaabilsan sacuudiga ayaa sheegtay in khudbada Jimcaha ee masjidka weyn ee Makka iyo masjidka nabiga ee Madinalagu xaddiday 15 daqiiqo si aysan u dhibtoon dadka ku tukanayadibadda masjidka ee aan kulaylka har ka geli karin.
Khaadunka labada xaram ee barakaysan, waa boqorka Sacuudiga, boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis, ayaa ansixiyey soo gaabinta khudbada Jimcaha. Goor sii horreysay ayaa mas’uulka dusha kala socda hawlaha Masaajidka weyn ee Makka yio masjidka nabiga e Madina, Sheekh cabdiraxmaan Al-Sudaisi, wuxu faray imaamyada masaajidyadaas in khudbadaha la gaabiyo.
Waddanka ciraaq, wadaadka saamaynta badan leh, Muqtada al-Sadr, wuxuu iimaamyada ka codsaday in ay salaadda fududeeyaan oo khudbada jimcaha laga dhigo mid gaaban si dadku uga badbaadaan kulaylka daran.
Heerkulka aadka u daran ayaa keenay in sannadkan ay dartiis xajka ugu dhintaan 1,300 oo qof.
Dhakhaatiirta ayaa dadka kula taliyey inay ka digtioonaadaan kulaylka xilligan, waxayna soo jeediyeen inay guryaha ku jiraan wakhtiyada uu kulaylku aadka u daran yahay ee ay suurtogal tahay in qorraxda ay toos jirka u qabato.
“Ka fogow shaqooyinka xoogga u baahan wakhtiyada maalinnimada ah ee kulaylka daran uu jiro, una ogolow jirkaaga inuu la qabsado kulaylkaas ka hor inta aaan shqo culus qaban” ayey tiri Dr Karthikeyan Chinniah, oo ah dhakhtarad ka hawl gasha isbitaal ku yaalla Abu Dhabi.
Meelaha kale heerkulka uu in badan sare u kacay waxaa ka mid ah dalalka Lubnaan, Masar, Kuwait iyo Urdun.
Iimaaraadka carabta, dadka qabta shaqooyinka banaannada laga qabto waxaa dhaqan galay mamnuucis ku saabsan in shaqooyinkaas la qabto saacadaha u dhaxeeya 12:30 duhurnimno ilaa iyo 3 galabnimo, ilaa laga gaarayo 15 bisha Siteembar
bbcsomali