
Wiilka Boqorka Sacuudi Carabiya, Maxamed bin Salman, ayaa weydiistay in laga caawiyo joojinta dagaalka.
“Boqorka Sacuudigu wuxuu doonayaa inaan wax weyn ka qabto dagaalka Suudaan. Ma aanan ku darin qorshahayga in aan joojiyo dagaalka hore,” ayuu yiri Trump.
Markuu ku casuumay dhaxal-sugaha Sacuudiga magaalada Washington si ay wada hadal u yeeshaan, ayuu sheegay in bin Salman uu ka codsaday inuu soo farageliyo oo uu joojiyo dagaalka.
Tan iyo 2023, Ciidanka Difaaca Sudan iyo Ciidanka Gurmadka Degdegga ah (RSF) ayaa isku haya dalkaas, waxaana ku naf waayay kumannaan qof.
“Waxaan u arkaa arrimaha Sudan in aan dowlad jirin. Waxba lagama sheegi karo dhinacyada is haya. Bin Salman wuu ii sheegay wax walba. Waxaan bilownay inaan arrinta ka shaqayno,” ayuu yiri.
Trump ayaa markii dambe kusoo qoray baraha bulshada in weerarro culus ay ka socdaan Sudan. Qaramada Midoobay iyo hay’adaha gargaarka qaarkood ayaa ka digay macluul ku habsata dalka Sudan.
“Waxay noqotay Suudaan dalkii ugu dagaalka badnaa adduunka. Waxaana dadkeedu u baahan yihiin cunto, dhaqaatiir iyo gargaar kale,” ayuu yiri.
Bbcsomali






