Muxuu yahay ficilka uu sameeyay duuliyihii diyaaraddii shalay burburtay ee sababay dhimashada badan?

Diyaaradda ku burburtay Nepal

Mas’uuliyiinta waddanka Nepal ayaa xaqiijiyay in 68 qof ay ku dhinteen shil diyaaradeed oo shalay ka dhacay dalkaas. Waxaa su’aal la iska weydiinayaa in sababta ugu weyn ee shilka ay ku timid go’aan uu qaatay duuliyihii diyaaradda.

Musiibadan ayaa dhacday Axaddii wax yar ka hor xilliga la filayay in ay diyaaradda ka cago dhigato garoonka.

Diyaaradda ayaa wadday isku darka 72 qof oo ay ku jireen shaqaalihii adeegga.

Dowladda Nepal ayaa sheegtay in ay guddi ka kooban shan qof u xil saartay baaritaanka la xiriira dhacdadaas.

Muxuu sameeyay duuliyaha?

Goobta ay ku dhacday diyaaradda Nepal

Sida lagu sheegay warbixin ay shaacisay laanta BBC-da ee Nepal, waxaa sii xoogeysanaya su’aalaha ku gedaaman sida uu duuliyaha ugu lug lahaa shilkaas dhimashada badan sababay.

Dad goob joogeyaal ah ayaa sheegay in ilbiriqsiyadii ugu dambeeyay ee cago dhigashada diyaaradda ka hor uu duuliyuhu go’aansaday in uu beddelo waddada uu kusoo dagayay, isagoo ka weecday dariiqii hore ee u uku beegnaa.

Warbaahinta caalamiga ah iyo baraha bulshada ayaa lagu shaaciyay muuqaal laga duubay diyaaradda ka hor inta aysan burburin, kaasoo laga arkayo in ay si deg deg ah isu rogtay iyadoo u muuqatay in ay dhinac kale u leexaneyso.

Sida laga soo xigtay sarkaal ka tirsan mas’uuliyiinta garoonka diyaaradaha, diyaaradda shirkadda Yeti Airlines ee burburtay waxa ay baddashay goobtii ay kasoo cago dhiganeysay ka dib markii ay masaafe dhan 24.5 km kusoo dhawaatay waddada ay diyaaraduhu ku cararaan marka ay soo degayaan iyo marka ay kacayaan.

Saraakiisha ayaa sheegay in diyaaradda oo uu duulinayay Kabtan Kamal KC loo fasaxay in ay soo degto, sidaas darteedna aysan jirin wax cillad ah oo heysatay.

Ka dib ayuu duuliyihii si lama filaan ah ula soo xiriiray kooxda la socoda diyaaradaha isagoo ku yiri: “Waan beddelay go’aankeygii.”

Sida ay sheegeen saraakiisha garoonka, duuliyaha ayaa loo fasaxay in u uku dago waddada lambarkeedu yahay 30 balse waxa uu codsaday in u uku dago waddada lambarkeedu yahay 12.

Su’aasha ugu weyn ayaa ah in ficilkaas uu yahay sababta ugu weyn ee keentay shilka iyo in kale, waxaase natiijada lagu ogaan karaa baaritaannada hadda la billaabay.

Burburka diyaaradda

Qeyb ka mid ah burburka diyaaradda Nepal

Ka dib markii loo fasaxay in diyaaraddu ay cago dhigato waxa ay durbadiiba usoo dhawaatay dhulka, iyadoo kooxda la socota dhaqdhaqaaqa ay ka arkayeen dhismaha ay saarnaayeen. Waxay kooxda maareynta dhaqdhaqaaqa filayeen in diyaaraddu ay degto 10 ilaa 20 ilbiriqsi gudahood.

“Markii ay diyaaraddu isku diyaarisay in ay degto iyadoo leexaneysa waxaa istaagay matoorkii waxayna billowday in ay soo dhacdo,” ayuu yiri qof ka mid ah kooxda la socota dhaqdhaqaaqa garoonka oo ka gaabsaday in uu magaciisa sheego.

Dad goob joogeyaal ah ayaa BBC-da u sheegay in diyaaradda ay xakameyntu ka luntay markii ay leexatay ka hor inta aysan isku dayin caga dhigasho.

Afhayeen u hadlay maamulka garoonka diyaaradaha ee Pokhara oo lagu magacaabo Vishnu Adhikari ayaa sheegay in maalinta uu shilki dhacayay ay hawadu fiicneyd duullimaadkaasina u uku yimid waqtigii loogu talo galay.