Somaliland ayaa shaacisay inay albaabbada u laabtay Maktabadda Dhaqanka ee dalka Masar ee magaalada Hargeysa.
Maktabaddan oo uu ku socday dayactir ayaa waxay ku taallaa meel u dhow Madaxtooyada Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Ciise Kayd oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in sababo dhanka ammaanka ah loo xiray maktabadda, isla markaana muddo loo qabtay in shaqaalaha ka shaqeynayay ay isaga baxaan Somaliland.
“Waxaa jira oo dowladda Somaliland ay aqoonsatya walaacyo amni oo halis ku ah qaranka, sidaa darteed wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah waxay go’aansatya in lagama maramaan ay tahay in si joogto ah loo xiro Maktabadda Dhaqanka ee Masar, kuwa ka shaqeeynayana dalka laga saaro muddo 72 saacadood ah.
“Go’aankan ma aha mid fudud, laakiin badbaadada muwaadiniinteenna waa mas’uuliyad qaran oo muhiim ah. Waan ognahay Masar hubka ay kusoo daldashay dowladda Muqdisho oo aan aaminsannahay inay waxyeeleyso nabadgelyada iyo xasiloonida mandiqadda,” ayuu yiri.
Dr Ciise Kayd ayaa sidoo kale sheegay inuu soo dhammaaday heshiiskii is afgarad ee badda ee horraantii sanadkan ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya.
Maxay tahay maktabaddan?
Maktabaddan oo haatan uun la doonayay in dib loo furo ayaa waxaa ku socday dhisme. Qalabkii iyo buugaagtii lagu furi lahaa ayaa waxay haataan yaallaan Dekedda Berbera, dhawaan ayaana la filayey in la soo raro, sida uu BBC u sheegay mid ka mid ah shaqaalaha oo diiday in magaciisa la shaaciyo.
Shaqaalaha meesha ka shaqayn jiray ee shaqaale ahaanta ugu qoran ayaa gaaraya ilaa shan.
Maxamed Cabdi Daa’uud oo ah taariikhyahan ku nool magaalada Hargaysa oo BBC la hadlay ayaa sheegay in markii ugu horreysay ee Masaaridu ay tageen Hargeysa ay tahay qiyaastii bilowgii 1964, iyagoo xilligaas furay madraso bilaash ah.
Maxamed oo qudhiisa mar ka mid noqday ardaydii madrasada ayaa yiri: “Iskuulka muddo ayuu socday ilaa 1969. Waxay sidoo kale sameeyeen maktabad wixii ka dambeeyay 1966 meelahaas, waxayna ka fureen meel u dhow Shaleemadii Qaranka Hargeysa oo ay kireysteen,” ayuu yiri.
Maktabadda ayaa waxaa markaa magaceeda la oran jiray Maktabadda Islaamiga ah ee Masar, sida uu sheegay Maxamed.
Muddo kadib ayaa maktabadda loo soo wareejiyay meel u dhow madaxtooyada Somaliland, iyagoo dhisme ku waday fooq ilaa labo dabaq ah.
“Filimo af Carabi ah ayaa lagu daawan jiray si bilaash ah, si ay dhalinyarada usoo jiitaan. Dhaqan Masaari ah ayay sideen aflaamta, sida dagaallo iyo heesaha iyo qoob ka ciyaarka dalkaas,” ayuu intaa raaciyay.
Maktabaddan oo burburkii Soomaaliya kadib isaga guurtay Hargeysa, ayaa waxaa haatan la doonayay in dib loo furo, iyadoo dhismaha uu ku socday casriyeyn. Somaliland ayaa ku amartay injineerrada iyo shaqaalaha inay degdeg isaga baxaan halkaas.
Maxamed ayaa sheegay in sababta ay Somaliland u xirtay maktabaddan ay u muuqan karto inay tahay “Kolley Masaaridu waxay u janjeertay dhanka midnimada Soomaaliya marka la eego taariikhdoodii hore.” Ayuu yiri Maxamed.
Soomaaliya, Somaliland, Itoobiya iyo Masar
Itoobiya ayaa dhowaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka codsatay tixgalinta in Masar ay ku kacday “hanjabaado iyo rabshado soo noqnoqday” oo ka dhan ah Itoobiya.
Wasaaradda arimaha dibadda Itoobiya ayaa warqad u dirtay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay waxa ayna uga codsatay in golaha ay ka fiirsadaan hanjabaadaha soo noqnoqday ee Masar u jeedineyso Itoobiya, taas oo ka hor imaaneysa axdiga Qaramada Midoobay
BBC-da ayaa aragtay warqadda uu qoray wasiirka arimaha dibadda, safiir Taye Atzik-Salase, waxa uu dalka Masar ka codsaday in ay ka tanaasulaan mowqifkooda macangagnimada ah iyo dalabaadkooda aan macquulka ahayn eek u saabsan dhismaha iyo ka shaqaynta biyo xireenka Renaissance iyo sidoo kale in loo hogaansamo mabaadiida caalamiga ah.
Warqaddaan ay wasaaradda arimaha dibadda Itoobiya u dirtay Golaha Ammaanka, ayaa ku soo aadeysa xilli ay maalmo ka hor ay Masar iyana dirtay warqad.
Hadda kahor ayay ahayd markii wasiirka arimaha dibadda iyo waraabka Masar, Dr. Badare Abdulati, uu warqad u diray madaxweynaha Golaha Ammaanka, waxa uuna sheegay in Masar ay xaq u leedahay in ay qaaddo tallaabooyin lagama maarmaan ah si loo xaqiijiyo ammaankeeda biyaha.
Isla warqaddaas ayuu wasiirku ku sheegay in Masar aanay si buuxda u aqbalin siyaasadda go’doominta ee Itoobiya ee biyo xireenka Renaissance, waxaanu yidhi “Masar waxay diyaar u tahay inay qaado tallaabo kasta oo waafaqsan axdiga qaramada midoobay si ay u ilaaliso jiritaankeeda iyo ilaalinta danaha dadkeeda. “
Dhanka kale Itoobiya iyo Somaliland ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir dhow kaasoo ka caraysiisay dowladda federaalka Soomaaliya, kadib markii ay kala saxiixdeen heshiis is af garad oo dhanka badda ah.
Sidoo kale, bartamihii bishii hore, Soomaaliya ayaa heshiis dhanka difaaca iyo amniga la saxiixatay dalka Masar, kaaso ujeedkiisu ahaa iskaashi ay yeeshaan wasaaradaha gaashaandhigga labada dal.
Madaxweynaha dalka Masar Cabdulfataax al Siisi ayaa caasimadda dalka Masar ee Qaahira ku qaabilay wefdi ka socda dawladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Xasan, oo shir jaraa’id ay wada qabteen Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi ayaa waxay sheegeen in iskaashiga difaac ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar uu yahay tallaabo kor loogu qaadayo amniga iyo xasilloonida gobolka, iyagoo ka hor hadalkooda wasiirrada difaaca ee labada dal ay wada saxiixeen heshiis difaaca iyo amni ee Soomaaliya iyo Masar.
Sidee ayay ku bilaabatay xiisadda Geeska?
Itoobiya ayaa 1-dii January qaadday tallaabooyinkii ugu horreeyay ee sharci kuwaasoo waddada u xaaraya in maalin uun dalka bad la’aanta ah ay u suurto gasho inuu isticmaalo badda, sida ay sheegtay dowladda Itoobiya.
Waxay waxa loo yaqaanno heshiis is af-garad ah (MoU) la saxiixatay Jamhuuriyadda iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland si ay u isticmaasho mid ka mid ah dekadaheeda.
Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa hore adeegsiga badda ugu sheegay inay arrin muhiim ah u tahay dalkiisa.
Hadalkiisan oo uu sheegay bishii October ayaa Geeska Afrika ka dhaliyay xiisad.
La taliyaha ammaanka qaranka ee Mr Abiy, Redwan Hussien, ayaa sidoo kale qoraal uu soo dhigay bartiisa X ku sheegay in arrintan ay sidoo kale Itoobiya u suurtogelin doonto inay hesho “saldhig militari oo kiro ah” oo badda ay ka hesho.
Heshiis is af-garad (MoU) ma aha mid sharci ah balse wuxuu waddada u xaari karaa cahdi shuruuc kusoo rogaya dhinacyada kala saxiixday.
Xukuumadda Addis Aababa ayaa heshiiskan u aragta guul diblomaasiyadeed oo weyn.
Raysal wasaaraha, oo heshiiska is af-garad caasimadda Itoobiya kula saxiixday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa bartiisa X kusoo qoray in “dhammaan waxa la dhihi karo ay uun tahay mahadsanid Allah”.
Mar uu ka hadlayay halka heshiiska lagu kala saxiixday, ayuu Madaxweyne Muuse sheegay in heshiiskan ay ku jirto qeyb qeexeysa in Itoobiya ay Somaliland u aqoonsan doonto dal madax bannaan mustaqbalka.
Kaddib markii uu soo baxay heshiiskan, ayaa waxaa ka dhashay falcelinno kala duwan oo ka imaanayay siyaasiyiinta Soomaaliya, kuwa Somaliland iyo bulshada labada dhinacba.
Jawaab sax ah kama soo bixin dowladda Soomaaliya, oo Somaliland u aragta dhul geyigeeda ka mid ah. Balse telefishinka qaranka Soomaaliya SNTV ayaa shaaciyay inuu jiri doono kulan wasiirrada oo degdeg ah oo maanta oo Talaado ah looga hadli doono arrintan.
Sidoo kale qaar ka mid ah siyaasiyiintii hore ee Soomaaliya oo arrintan ka falceliyay ayaa ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.