Nabadda Awdal iyo Selel Waa Mas’uuliyad Inaga Wada Saaran
Nabadda gobollada Awdal iyo Selel waa hanti qaali ah oo aynu dhammaanteen wada leenahay, waana waajib in si wadajir ah loo ilaaliyo. Nabadi jirto ayaa lagu wada noolaan karaa, lagu
horumari karaa, laguna ilaalin karaa mustaqbalka jiilasha soo socda.
Bulshada Awdal iyo Selel waa dad muddo dheer wada noolaa, is dhalay, is guursaday, is xiga,
isla markaana wadaaga deegaan, dhaqan iyo nolol maalmeed. Waa bulsho ay walaaltinimadu ka
weyn tahay wax kasta oo kala fogayn kara.
Waxaan ugu baaqayaa dhammaan shacabka labada gobol in ay nabadda ilaashadaan, kana
fogaadaan hadal ama ficil kasta oo keeni kara xurguf, colaad ama kala fogaansho. Khilaaf kasta
waa in lagu dhammeeyaa wada-hadal, dulqaad, isu-tanaasul iyo is-ixtiraam.
Waxaan sidoo kale si gaar ah ugu baaqayaa hoggaanka dhaqanka, cuqaasha, salaadiinta,
culimada, waxgaradka, haweenka iyo dhalinyarada in ay hormuud ka noqdaan ilaalinta nabadda
iyo dejinta bulshada.
Hoggaanka dhaqanka ee labada dhinac waxaan ka codsanayaa in ay si dhow ula shaqeeyaan
dowladda iyo hay’adaha nabadgelyada, si looga hortago wax kasta oo dhaawici kara xasilloonida
iyo wada noolaanshaha bulshada.
Nabadda Awdal iyo Selel ma aha arrin cid gaar ahi leedahay. Waa mas’uuliyad inaga wada
saaran. Waa inaynu ilaashannaa waxa ina mideeya, kana shaqaynaa in jiilasha dambe ay
dhaxlaan bulsho nabad, walaaltinimo iyo wadajir ku nool.
Walaalayaal, nabadda aynu ilaashanno. Nabadi waa nolol, horumar iyo mustaqbal.
Mohamed Farah Tahar
maantahar@gmail.com
Aqoonyahan bartay Maamulka iyo Qorshaynta, ahna Caaqil ka mid ah Cuqaasha Somaliland.





