NATO iyo Shiinaha oo isku Bu’aya

Shiinaha(Qaran news)-Dawladda Shiinaha ayaa si weyn u cambaaraysay qoddob ka mid ah qoddobadii ka soo baxay war-murtiyeedkii gaashaanbuurta NATO, kaasi oo digniin u dirayey Shiinaha. Dawladda Shiinaha ayaa sheegay inay ku dagaalami doonto difaacidda xuquuqdeeda.

Shirkii ay dalalka ku bahoobay gaashaanbuur NATO ku yeeshee dalka Litweeniya ayaa waxa ku jiray in Shiinuhu uu caqabad ku yahay is-bahaysiga gaar ahaan dhinaca danahooda, amnigooda iyo qiimahooda. Qoddobkaasi ayaa dawladda Shiinuhu sida fiinta uga qaylisay.

Xafiiska dawladda Shiinaha u qaabilsan dalalka Yurub ayaa war qoraal ah jawaab kaga bixiyey qoddobkaasi Shiinaha lagu eedaynayey, waxaanu xafiisku sheegay in aanay marnba ogolaanayn in gaashaanbuurta NATO isku soo ballaadhiso qaaradda Aasiya.

Shil Khasaare Ballaadhan Dhaliyay oo ka Dhacay Maraykanka

USA(Qaran)-Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhintay 14 kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii ay isku dhaceen Bas iyo saddex cagacagaf gobolka Ilaniyo ee dalka Maraykanka xilli hore oo saaka ah. Booliska ayaa sheegay in basku uu ku socday xawaare sare taasi oo keentay inuu burbur xooggani soo gaadho.

Booliska gobolka ayaa sheegay inay socoto baadhis lagu ogaanayo wixii dhabta ahaa ee dhacay. Afar qof oo dhaawac halis ah qabay ayaa lagu qaaday diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah, halka inta kale ee dhaawacantay lagu daweynayo cisbitaallada deegaanka.

Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in dhammaan dadka ku dhintay shilkaasi iyo kuwa dhaawacmay ayaa saarnaa baska. Muuqaallo ay baahisay warbaahinta Maraykanka ayaa muujinaaya burburka baaxada leh ee soo gaadhay baska.

Ruushka oo duqeymo ku Dardaray Ukraine

Russia(Qaran)-Ruushka ayaa duqeymo culus u geystay caasimadda Ukraine ee Kiyeef iyo dhawr magaallo oo kale, weeraradda ayaa ku soo beegmaya iyada oo kulankii gaashaanbuurta NATO soo dhammaaday oo uu ka qaybgalay madaxweynaha Yukreyn.

Ugu yaraan 15 weerar oo ay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan ee Shahiid ayaa ku habsaday caasimadda Kiyeef, iyada oo laga maqlayey qarxyo iyo digniinta ay bixinayaan Raadaalka sheegaya in gantaallo soo socdaan. Ciidanka cirka ee Yukreyn ayaa sheegay inay tiro ka mid ah diyaaradaha ay dhulka soo dhigeen.

Dadka deegaanka caasimadda Kiyeef ayaa sheegay inay la kulmeen argagixii ay inta badan la kulmi jireen ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan. Duqaymahan ayaa u muuqda inay jawaab u yihiin shirka gaashaanbuurta NATO oo loogu tashanayey.