
Maxkamad ku taalla magaalada Aachen ee dalka Jarmalka ayaa nin ku xukuntay siddeed sano iyo bar oo xadhig ah, ka dib markii lagu helay inuu si joogto ah u daroogeeyey uuna u kufsaday xaaskiisa, isagoo falalkaasna muuqaallo ka duubay ka dibna ku baahiyey internet-ka.
Ninkan oo magaciisa lagu soo koobay Fernando P si waafaqsan xeerarka asturnaanta ee Jarmalka, ayaa lagu helay dambi ah kufsi culus, dhaawac jireed oo daran iyo ku xad-gudubka xogta gaarka ah.
Maxkamaddu waxay xaqiijisay in ninkan oo 61 jir ah, asalkiisuna ka soo jeedo dalka Spain, uu dambigaas geystay isagoo mudo dhawr sano ah—laga soo bilaabo 2018 ilaa 2024—xaaskiisa ku dhex suuxin jiray kuna dhex kufsan jiray gurigooda.
Afhayeen u hadashay maxkamadda oo lagu magacaabo Katharina Effert, ayaa sheegtay in ninkani uu sidoo kale duubay tacaddiyada uu geysanayey, ka dibna uu la wadaagay dad kale oo internet-ka ku jira.
“Waxa uu muuqaallada falalkan u soo geliyey group-yada lagu wada sheekaysto iyo baraha internet-ka, isagoo u dirayay isticmaaleyaasha kale,” ayay tiri.
Inta badan dacwadda ayaa loo qabtay si qarsoodi ah si loo ilaaliyo aqoonsiga iyo sumcadda xaaskiisa.
Bbcsomali






