
Ninkan sawirkiisu hoos ka muuqdo waxa la yidhaa Daahir Maxamuud, haybtiisu waa beesha Abgaal ee Hawiye, mar ayuu Safiir ka ahaa dalka Sucuudi Carabiya.
Maalintii Somaliland ay la saxeexatay Ethiopia Heshiiska Is-afgaradka ah wadaad isku-sheeg toobka gaabsaday oo Minnesota (USA) jooga oo Soomaali ah ayaa ku dhawaaqay in jihaad lala galo Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ethiopia.
Laakiin maalintii ay Soomaaliya la saxeexatay Ethiopia is-afgaradka wuxuu yidhi, ‘Ethiopia waa walaalahayo, Ra’iisal-wasaare Abiy Ahmed-na waa nin Hawiye ah oo Abgaal ka sii ah.’
Waa kuwaa Qadaadweynta fudaydkeennu inoo geeyey haddaynu reer Somaliland nahay innaga oo aan xataa sheeko ku maqal haybtooda.
Waa ka caaqil haybtiisu tahay beesha Abgaal. Adduunku wuxuu ku sifeeyey Soomaaliya dal fashilmay (failed state) oo ka kooban shan maamul-qabiil (5 clan states). Dalka caalamka ugu musuqmaasuqa badan, siyaasiyiintooda lagu tilmaamay kuwa dunida ugu tamarta daran (the most corrupt and incompetent politicians), adduunkuna ku bixiyey in ka badan 7 billion oo dollar, balse haatan gacmaha ka taagtay.
Bal markaas maxay caalamka la hortegi doonaan oo lagu ixtiraami doonaa dalkaas iyo siyaasiyiintiisa fashilmay? BAL ADBA

Qore Siyaasi Faysal Cali Waraabe






