Booliska ayaa xiray tuhmanaha kadib toogashadii reysal wasaaraha ee ka dhacday magaaladabartamaha magaalada Handlova.
Weriyaha BBC-da ee deegaanka, Rob Cameron, ayaa sheegay in ilaa iyo hadda warbixinnada la helay ay sheegayaan in ninka weerarka geystay oo 71 jir ah, uu kasoojeedo tuulo ku taal bartamaha Slovakia.
Bistoolada rasaasta laga furay ayaa la sheegay in si sharci ah loo haysto.
Ilaa hadda lama oga sababta uu ninka weerarka geystay
Muuqaal ayaa muujinaya dad rayid ah iyo ilaalo oo tuhmanaha ku xiraya bannaanka xarunta dhaqanka ee Handlova