Musharraxa madaxweynaha Xisbiga WADDANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, guddoomiyaha Xisbiga mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Xoghayaha Guud mudane Khadar Xuseen Cabdi ayaa kulan la qaatay Safiir ku xigeenka Maraykanka Amb. Tim Trenkle oo magaalada Hargeysa safar hawleed ku jooga.
Hoggaanka Xisbiga iyo weftiga Maraykanka ayaa ka wada hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin xal u helidda xaaladda Laascaanood iyo sidii loo dardar gelin lahaa arrimaha doorashada Madaxtooyada si isbedel hoggaamineed dalka uga dhaco.