Odaygan da’da ah oo u dhashay dalka Pakistan oo dhawaan lagu arkay magaalada Madiina ee barakaysan isaga oo cumraysanaya isla markaasna cagacad kuna lebbisan dhar fudud ayaa hadda waxa Xaj iyo Cumro ugu deeqdey Sucuudiga iyo Pakistan.
Oday Cabdul Qaadir oo so jiitey indhaha dadka muslimiinta ah ilaa lagu tilmaamay ‘In uu yimi casrigii Saxaabada’ ayaa sheegey in cumarada u dhawaan gutey uu uruurinayey muddo 15 sanno ah isaga oo adhiga u raaci jirey dadka tuulo ku taal miyiga caasimadda Islamabad.
