Xisbiga Dimuquraadiga ah ee Mareykanka ayaa helay 81malyan oo doollar oo ah lacago tabarucaad ah isla markaana loo adeegsanayo ololaha madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris tan iyo markii madaxweyne Joe Biden uu ka haray tartanka Axadii.

Waa ololahii ugu ballaaranaa ee taariikhda uu sameeyo madaxweynahu iyadoo in ka badan 888,000 oo qof oo deeq-bixiyeyaal ah ay ku tabaruceen wax ka yar 200 oo doollar maalintii ka dib markii Mr Biden uu shaaciyay go’aankiisa.

“Taageerayaashu waa ay fir-fircoon yihiin waxayna ku faraxsan yihiin inay taageeraan iyada oo ah musharraxa Dimuquraadiga,” ActBlue, oo ah madasha dhaqaale aruurintana sameysay, ayaa sidaas ku sheegtay qoraal ay ku daabacday barta X.

Deeq bixiyayaasha dib ugala noqday dhaqaalihii ay ku bixin jireen walaaca laga qabo da’da Mr Biden ayaa sheegaya inay hadda doonayaan inay dib u bilaabaan taageeradooda xisbiga.

Xisbigu waxa uu ururiyey in ka badan 27.5 malyan oo doollar shantii saacadood ee ugu horreysay ololaha madaxweynaha ee Ms Harris. Tiradaasi waxay ku dhowaatay inay labanlaabto saacado kooban gudahood. 24 saac gudahood, lacagtaasi waxay jabisay rikoorkii dhaqaale ururinta ee madaxtooyada.

Lacagaha cusub ee xisbiga lagu harqinayo ayaa calaamad u ah tagaeerada xisbiga Dimuqraadiga, iyadoo laga dheehan karo dib ulaba kacleeynta deeq-bixiyeyaasha waaweyn ka dib niyad jabkii ay ka qaadeen dooddii uu dhawaan Mr Biden la galay Donald Trump, oo dadka qaar ay qabaan in ay u dhacday si aaney fileynin.

Maalgelinta deeq-bixiyeyaasha yaryar ayaa sidoo kale hoos u dhacday, sida laga soo xigtay dadka u dhuun daloola ololaha Biden oo la hadlay warbaahinta Mareykanka.

Laakiin wax yar ka dib ku dhawaaqistii Mr Biden ee ahayd in uu ka haray tartanka iyo taageerada uu u fidiyay Ms Harris ee Aqalka Cad, Dimuquraadiyiintu waxa ay galeen khadka tooska ah si ay uga qayb qaataan xawli la yaab leh.

koox ka mid ah hogaamiyayaasha haweenka madow, ayaa qabtay xiriiro dhanka barta Zoom-ka oo ay kaga qaybqaateen in ka badan 44,000 habeenimadii Axadda si ay garab u siiyaan madaxweyne ku xigeenka.

Kooxda ayaa sheegtay in ay u uruurisay in ka badan 1.5 malayan oo doollar saddex saacadood gudahood.

Joe Cotchett, oo ah dhaqaale-ururiyaha siyaasadeed ee fadhigiisu yahay San Francisco ee Dimuqraadiyiinta, ayaa u sheegay NBC News in deeq-bixiyeyaashu “ay hadda diyaar u yihiin inay jeebkooda gacanta galiyaan”.

Waxaa ka mid ah Gideon Stein, oo madax ka ah Sanduuqa Moriah, ahna deeq bixiyaha xisbiga, kaasoo u sheegay wakaalada wararka ee Mareykanka inuu dib u bilaabi doono maalgalintiisa ka dib markii uu hakiyay walaacii laga laga qabay in Mr Biden uu u tartami karo xilka doorashada soo socota.

Dhowr deeq-bixiyeyaal siyaasadeed oo magac sare leh ayaa sidoo kale muujiyay taageerada ay u hayaan Ms Harris in ay noqoto musharaxa xisbiga Dimuqraadiga.

Reid Hoffman, oo ah aasaasaha LinkedIn, ayaa ku tilmaamay madaxweyne ku xigeenka “qofkaku habboon waqtigaan”.

“Waxaan si kal iyo laab ah u taageerayaa Kamala Harris iyo musharraxnimadeeda Madaxweynaha Maraykanka dagaalkayaga dimuquraadiyadda ee bisha Nufeembar,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X.

Deeq bixiye kale oo magac weyn ku leh siyaasada, Alexander Soros, oo ah wiilka samafale George Soros, ayaa sheegay in Ms Harris ay tahay “musharraxa ugu fiican uguna aqoonta badan ee aan haystaan”.

Laakin kuwa kale, sida ganacsadaha iyo maalgeliyaha lagu magacaabo Vinod Khosla, ayaa ku baaqay hannaan furan oo looga qayb qaadanayo ololaha deeq-bixinta. Wuxuu sheegay in Kamala ay tahay murshax mudnaan leh.

Inkastoo Kamala Harris aaney weli isku raacin xisbigeedu in ay noqoto murashaxa Dimuquraadiyiinta haddana, waxey xusul duub ugu jirtaa sidii ay ku heli laheed codka xubnaha xisbigeeda si ay u wajahdo doorashada Nufeembar musharraxa Jamhuuriga Donald John Trump.

bbcsomali