Xisbiga WADDANI oo ku Baaqay in la soo Xidho Wiilka Madaxweynaha
Hargeysa(Qaran news)-Xoghayaha Caddaaladda xisbiga WADDANI Yoonis Axmed Yoonis ayaa cambaareeyay in Weriye Bushaaro Baande ay u xidhan tahay Maxamed Muuse Biixi, taasi oo ah mid laf-jab ku ah qarannimada iyo dimuqraadiyadda Somaliland.
Xoghayuhu wuxuu sheegay in 78 maalmood ay si caddaalad darro ah u xidhan tahay weriye Bushaaro Baande, hase ahaatee ay walaac weyn abuurtay in wiilka madaxweynuhu dhalay uu sheegtay inay isaga u xidhan tahay.
Xoghayuhu wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamay in qof aan xil haynin oo madaxweynuhu dhalay uu iska xidhanayo Suxufiyiinta, waxa soo bixi kara dad badan oo aan la aqoon oo u xidhay wiilasha madaxweynaha.
“Ceeb weyn ayaa dul hogganaysa madaxweynaha oo habeen hore uun sheegay in madaxweynihii hore ee Axmed Siilaanyo aan laga caban carruurtiisa, waxa is weydiin leh goorma ayaa qoys la doortay oo carruurtii madaxweynuhu ay iska xidh xidhanayaan dadka,”ayuu yidhi Xoghayaha Caddaaladda WADDANI, waxaanu tilmaamay maamul xumada madaxweynaha uu shacbiga ugu daray deelqaafka inamadiisu ku sameynayaan dadweynaha.
Yoonis Axmed Yoonis wuxuu ugu baaqay maxkamadda inay xoriyadeeda u sii dayso Bushaaro Baande, isla markaana ay soo xidhaan wiilka sheegtay in ay isaga u xidhan tahay.Xisbiga WADDANI oo ku Baaqay in la soo Xidho Wiilka Madaxweynaha
Hargeysa(Qaran)-Xoghayaha Caddaaladda xisbiga WADDANI Yoonis Axmed Yoonis ayaa cambaareeyay in Weriye Bushaaro Baande ay u xidhan tahay Maxamed Muuse Biixi, taasi oo ah mid laf-jab ku ah qarannimada iyo dimuqraadiyadda Somaliland.
Xoghayuhu wuxuu sheegay in 78 maalmood ay si caddaalad darro ah u xidhan tahay weriye Bushaaro Baande, hase ahaatee ay walaac weyn abuurtay in wiilka madaxweynuhu dhalay uu sheegtay inay isaga u xidhan tahay.
Xoghayuhu wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamay in qof aan xil haynin oo madaxweynuhu dhalay uu iska xidhanayo Suxufiyiinta, waxa soo bixi kara dad badan oo aan la aqoon oo u xidhay wiilasha madaxweynaha.
“Ceeb weyn ayaa dul hogganaysa madaxweynaha oo habeen hore uun sheegay in madaxweynihii hore ee Axmed Siilaanyo aan laga caban carruurtiisa, waxa is weydiin leh goorma ayaa qoys la doortay oo carruurtii madaxweynuhu ay iska xidh xidhanayaan dadka,”ayuu yidhi Xoghayaha Caddaaladda WADDANI, waxaanu tilmaamay maamul xumada madaxweynaha uu shacbiga ugu daray deelqaafka inamadiisu ku sameynayaan dadweynaha.
Yoonis Axmed Yoonis wuxuu ugu baaqay maxkamadda inay xoriyadeeda u sii dayso Bushaaro Baande, isla markaana ay soo xidhaan wiilka sheegtay in ay isaga u xidhan tahay.