
Warar siyaasadeed oo soo baxaya ayaa sheegaya in Puntland iyo Jubaland ay shir muhiim ah ku yeelan doonaan magaalada Garoowe ka hor dhammaadka bisha September 2026.
Maanta waxaa magaalada Nairobi ka bilaabmay gogol-xaadhka iyo diyaar-garowga siyaasadeed ee shirkaas, iyadoo kulamada Nairobi lagu sii diyaarinayo ajandaha iyo qodobbada waaweyn ee la filayo in Garoowe lagu go’aamiyo.
Xogaha hordhaca ahi waxay tilmaamayaan in qodobada ugu waaweyn ee miiska saaran ay ka mid tahay in Puntland iyo Jubaland ay si guud uga baxaan xayndaabka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee caasimaddeedu tahay Muqdisho, isla markaana ay qaataan jihayn siyaasadeed oo cusub.
Haddii go’aankaasi soo baxo, wuxuu noqon doonaa go’aan taariikhi ah oo si weyn wax uga beddeli kara siyaasadda iyo qaab-dhismeedka Soomaaliya.
Suldaan Abdikariim
Waayo-Arag&Waayaha Maanta.





