Dawladihii kala dambeeyey ee Somaliland, waxay aqbaleen in metelaad Soomaaliya loo soo diray, sida Danjire Soomaaliya fadhigiisu yahay dalkeena lagu soo dhaweeyo ama in mashruuc iyo maaliyad la inoo soo mariyo oo aynu u daba fadhino Muqdisho. Dhaqankaas waxaa xalaaleeyay fahanka iyo aqbalaadda rayul-caamka, balse waa dhaawac qaran oo aan la dhaadin. Arrinta maaliyadda waxa jiri kara xalal haddii ay jirto tashi iyo qab qaranimo. Haayadaha caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay mararka qaar dalal aanay aqoonsanayn ayaa lagu qasbaa inay gaar ula macaamilaan. Tusaale waxaa ah:

– 𝐒𝐨𝐮𝐭𝐡 𝐒𝐮𝐝𝐚𝐧 𝐕𝐬 𝐒𝐮𝐝𝐚𝐧 intii aanay kala tegin dunnida wax siisaa way u kala saareen wixii la tarayo oo South Sudan waxaa toos loogu shubi jiray Southern Sudan Multi-Donor Trust Fund.
– 𝐄𝐚𝐬𝐭 𝐓𝐢𝐦𝐨𝐫 𝐕𝐬 𝐈𝐧𝐝𝐨𝐧𝐞𝐬𝐢𝐚 intii aanay kala tegin wixii East Timor la tarayo waxaa toos loogu shubi jiray Trust Fund for East Timor.
– 𝐅𝐚𝐥𝐚𝐬𝐭𝐢𝐢𝐧 𝐕𝐬 𝐈𝐬𝐫𝐚𝐚𝐢𝐢𝐥 wuxuu World Bank aqoonsan yahay keliya Israaiil haddana wax uma sii dhex mariyo ee waxay u sameeyeen Palestinian Recovery and Development Plan Multi-Donor Trust Fund oo aan cid kale u marin.
– 𝐊𝐨𝐬𝐨𝐯𝐨 waa la mid oo aqoonsiga ka hor meel kale waxba looma soo marin jirin ee toos baa loola macaamili jiray.

Somaliland maanta way ka sii xasaasisan tahay sidii hore oo waxaynu haynaa aqoonsi inagu soo jeediyay indhaha caalamka. Aqoonsigii Israa’iil buuqii ka dhashay wuxuu keenay in dalal badan Somaliland darsaan, dalalkaasi haddii ay arkaan is dhexyaac waxay u arki karaan inay si fudud danahood u soo marin karaan Muqdisho iyago oo aan isku hawlin go’aan aqoonsi. Aqoonyahanka iyo dawladaba waxaa la gudboon sii tayaynta, caalamiyaynta iyo kor u qaadista Sanduuqa Horumarinteena SDF ama habab la mid ah.

Dr-Abdiqani Muse Hassan