Hargeisa,(Qaran news)-Inkasta oo habaynkii xalay ahaa uu ka dhacayay magaaladda Hargeysa qabow aad u xumi hadana saaka markii uu waagu baray waxa mar qudhaata isla oogsaday qabow xad dhaaf ah iyo ceeriyaan aanad arkaynin qofka kaa horeeya.
Saaka baabuurta magaaladda Hargeysa dhex maraysay waxa ay shiteen laydhadhka, inkasta oo aan ilaa hada la sheegin wax khasaare ah oo dadka soo gaadhay hadana waxa jira baabur isku dhacday oo aanay cidi waxba ku noqon.
Xaraarda qabawga ayaa gaadhay saaka mid aan waligeed Hargeysa lagu sheegin tan iyo inta la xasusto