Hay’adda warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in ciidammada Israa’iil ay dhammaystireen qabanqaabada wajiga labaad ee howlgalka loo bixiyay “Gaadiidka Gideon 2”, kaasi oo ay ku doonayaan in ay si buuxda ula wareegaan magaalada Qasa.

Hay’addu waxay tilmaamtay in inkastoo howlgalku uu la kulmi doono cambaarayn caalami ah oo balaadhan, haddana shakhsiyaad sarsare oo dhinaca ammaanka iyo siyaasadda ah ayaa xaqiijiyay in aanay jirin wax kale oo aan ahayn in la balaadhiyo dagaalka, iyadoo ay jirto hakad ku yimid wadahadallada ku saabsan heshiiska sii daynta maxaabiista, kaddib weerar ka dhan ahaa hoggaamiayaasha Xamaas ee ku sugan dallka Qadar oo ay Israa’iil ka fulisay Dooxa.

Dhanka kale, wrabaahinta Channel 12 ee Israa’iil ayaa ka soo xigatay taliyaha ciidammada Eyal Zamir oo farriin uu u diray hoggaanka siyaasadeed, kaddib shir qarsoodi ah oo dhacay fiidnimadii Axadda, isagoo yidhi: “Waxaan ka go’an tahay himilooyinka dagaalka sida ay u qeexday xukuumaddu, laakiin Xamaas lama jebin doono militari ahaan iyo siyaasad ahaanba, xitaa ka dib howlgalka la wareegidda magaalada Qasa.”

Marka laga hadlayo amarrada shacabka ugu baaqayo in ay banneeyaan magaalada Qasa, ayaa warbaahinta Israa’iil oo ka soo xigtay ciidammada waxay qiyaasayaan in dadka intooda badan ay oggolaan doonaan in ay halkaasi ka baxaan daqiiqadda ugu dambaysa, iyadoo la xusay in ciidammada Israa’iil ay magaalada u gali doonaan si tartiib tartiib ah, iyada Raysalwasaare Netanyahu uu ku nuuxnuuxsaday arrintaasi intii lagu jiray shirka.

Sida

soo xigtay ilo ammaan oo Israa’iili ah, ilaa hadda waxaa ka tagay magaalada Qasa qiyaastii 300,000 oo qof, halka ciidammada Israa’iil ay filayaan in inta u dhaxaysa 200,000 iyo 300,000 oo reer Qasa ah ay ku sugnaan doonaan aagga magaaladaasi marka uu bilaabmo howlgalka ciidammada.

BBC ayaan awoodin in ay si madax bannaan u xaqiijiso tirada Falastiiniyiinta ka barakacay guryahooda ee magaalada Qasa tan iyo markii ay soo baxeen amarrada barakicinta ee Israa’iil.

Hay’adda warbaahinta Israa’iil ayaa tilmaamtay in hoggaanka ciidamada Israa’iil ay ka digeen in balaadhita howlgallada Qasa “uu halis gelin karo maxaabiista ku jira gacanta Xamaas.”

Netanyahu

in qabashada shir madaxeedka “ay ka tarjumayso midnimada Carabta iyo Islaamka, isla markaana ay xaqiijinayaan diidmada adag ee waddammadaasi ay ka qabaan waxay ugu yeedheen falalka argagaixsa qaran ee ay ku dhaqaaqayso Israa’iil”, isagoo intaasi raaciyay in shir madaxeedka Isniinta ” lagaga hadli doono qabyo-qoraal iyo bayaanno laga soo gudbiyay kulankii diyaargarowga.”

Iiraan ayaa xaqiijisay in madaxweynaheeda Masoud Pezeshkian uu ka qeyb galayo shir madaxeedka. Waxa kale oo lagu wadaa in Raysalwsaaraha Ciraaq, Mohammed Shia al-Sudani uu qayb ka noqdo kulankan. Madaxtooyada Turkiga ayaa sheegtay in Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu booqan doono Dooxa maalinta Isniinta, halka Madaxweynaha Maamulka Falastiin Maxamuud Cabbaas uu gaadhay Qadar, fiidnimadii Axaddii.

Bbcsomali