























๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ ๐ช๐๐ฒ๐-๐ ๐๐ฅ๐๐ฒ ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐ข๐ง-๐ฃ๐๐๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ฆ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ง๐๐๐
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta ka qayb-galay xafladda qalin-jabinta Jaamacadda Sanaag, Dufcaddii 11-aad oo ay ka qalin-jabiyeen arday ku dhaw 200 oo 55% ay yihiin hablo, isaga oo halkaas ka jeediyey hadallo dhiirrigelin, duco iyo dardaaran.
Ugu horrayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu hambalyo u diray ardayda, waalidiintooda iyo macallimiinta soo tababbaray, isaga oo ku bogaadiyey ardayda dadaalka ay muujiyeen iyo guusha ay gaadheen.
Madaxweynuhu waxa uu ardayda qalin-jabisay ku waaniyey in ay aqoontooda u adeegsadaan horumarinta bulshada ay ka soojeedaan, ilaalinta nabadda iyo wadajirka bulshada ku wada nool Gobolka Sanaag.
Madaxweynuhu waxa uu ardayda qalin-jabisay xasuusiyey in qalin-jabintu ay tahay bilow cusub oo masโuuliyad leh. Waxa uu xusay in dalku uu iyaga
sugayo, mustaqbalka Somaliland uu gacantooda ku jiro.
Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale u duceeyey ardayda in Ilaahay u barakeeyo aqoontooda, kuna hanuuniyo jidka toosan ee qarankoodu ku horumarayo.
Xafladdan qalin-jabinta ah ayaa ahayd mid farxadeed, taas oo muujisay heerka aqooneed ee gobolka Sanaag iyo muhiimadda ay waxbarashadu ku leedahay dhismaha bulshada deegaanka iyo mustaqbalka Somaliland.






