
Qofkii ugu horreeyay adduunka ee lagu sameeyo qalliinka maskaxda iyada oo garaadka macmalka ah (AI) uu qalliinka si toos ah uga caawinayo, ayaa si guul leh looga saaray buro maskaxda kaga taallay.
Rhys Hibbert, oo ah aabbe laba carruur ah dhalay kana soo jeeda Bedfordshire ee Britain, ayaa qalliinka lagu sameeyay Isbitaalka University College London. Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in haddii aan qalliinkaas aan la samayn, buradu ay keeni kartay inuu araggu ka lumo.
Qalliinka dhexdiisa ayaa qalab AI ah wuxuu si toos ah u falanqeynayay muuqaalka kamaradda qalliinka. Wuxuu dhakhaatiirta ka caawinayay inay aqoonsadaan xididdada dhiigga iyo neerfayaasha muhiimka ah ee maskaxda, kuwaas oo mararka qaar qarsoon oo aan si fudud loo arki karin.
AI-gu wuxuu calaamadaynayay meelaha ay u badan tahay inay ku yaallaan xididdada iyo neerfayaasha, wuxuuna tilmaamayay meelaha ugu badbaadsan ee buradu laga saari karo. Si kastaba ha ahaatee, dhakhaatiirtu waxay sheegeen in go’aanka ugu dambeeya iyo xakamaynta qalliinka ay iyagu hayeen, AI-duna uu ahaa qalab caawinayey oo keliya.
Prof Hani Marcus, oo ka mid ahaa dhakhaatiirtii qalliinka samaysay, ayaa sheegay in nidaamkan loo tababaray muuqaallo laga qaaday boqolaal qalliin oo burooyinka taas oo siisay AI-ga awood uu ku aqoonsado xididdada iyo neerfayaasha muhiimka ah.
Wuxuu qalabka ku tilmaamay inuu noqon karo sida “khabiir labaad oo aragti ku siinaya” kaas oo qolka qalliinka kula jooga, dhakhtarkuna talo ka heli karo marka uu u baahdo.
Hibbert oo 48 jir ah wuxuu sheegay inuu caafimaad qabay ilaa qiyaastii 18 bilood ka hor. Wuxuu ahaa maamule adeegga macaamiisha ah, wuxuuna maalin kasta socon jiray qiyaastii laba mayl xilliga qadada.
Maalin ka mid ah maalmihii socodkiisa ayuu si lama filaan ah u miyir doorsoomay, isaga oo wadada ku dhacay, xaalad suuxitaan ahna uu galay. Baadhitaan maskaxda ah ayaa lagu ogaaday inuu leeyahay buro aan kansar ahayn oo cabbirkeedu yahay 11 millimitir, taas oo ku kortay mid qanjidhada ka ag dhaw maskaxda.
Bbc somali





