Sheekadda Laba Daayeer

Kanina waa laba daayeer oo raalli ku ah marka isku wax la siiuo, laakiin aan oggolaanayn marka mid loo eexdo ee wax wanaagsan la siiyo.

Labadan daanyeer shaqada loo diray waa inay dhagaxa meel la dhigay usoo dhiibaan qofka wax siinaya kedibna abaalgud la siiyo. Haddii khiyaar la siiyo labadoodaba caadi ayaybu arkaan. laakiin ma aqbalayaan in .idna cinab la siiyo midna khiyaar. Daanyeerku cinabka ayuu jecelyahay.

Waxaa la sheegaa in haddii ay isu furnaan lahaayeen uu midna laga hiiliyey la dagaalami lahaa midka loo hiiliyey.

Hada ma fahantay sababta cadaalad darrada ama eexdu dadka isugu dirto. Oo Soomaali inta dhex taallaaba saw intaa maaha! Qaraabakiilka ama eexdu waa cadowga dowladnimada!

Tan waxaa ka dhigan sida ciddii nidaamka dowladda u dhawaata loo naco, khaas ahaan marka ay sed bursadaan sidii Tigreega ku dhacday. ee Itoobiyada kale u nacday ee loo xasuuqay. Mararka qaarna waxaa dhacda in cidda xukunka haysaa nacayb iyo cadaawad usoo jiiddo cidda ay ka dhalatay iyaga oo aan waxba dheefa ku qabin!

Dowlad la candadowlay waxay isku dirtaa dadkeeda.