Qaraxyo laga maqlay Riyaad, Sacuudiga
Wariyaasha AFP oo ku sugan magaalada Riyaad ee caasimada Sacuudiga ayaa maqlay qaraxyo waaweyn kadib weerarro lagu qaaday Qadar iyo saldhigga Mareykanka ee Baxreyn.

Labo wariye oo ku sugan magaalada Riyaad ayaa sheegay inay maqleen qaraxyo badan kadib markii Iran ay wacad ku martay inay ka aargudan doonto weerarradii Maraykanka iyo Israa’iil.

Goor sii horreysay, wakaaladda wararka ee Qadar oo soo xiganaysa wasaaradda gaashaandhigga ee dalkaas, ayaa shaacisay in dhammaan gantaalladii lagu bartilmaameedsaday dalkaas la qabtay lana soo riday.