Taliyow dhulbahante argagixiso maaha
Waxaan dhegaystay goor dhaweyd hadal jeedin taliyaha ciidanka Somaliland, general Nuux, maanta jeediyey. Taliyuhu wuxuu nuxurka iyo dulucda hadalkiisu ahaa in dadka dagaalamaya ee gadooday ee laascaanood joogaa yihhin argagixiso la yaqaan oo uu qaar tilnaamay.
Waa caado la arko markasta oo dagaal laba daraf dhex maro in dagaalka gacanta dhinac waliba ku ladho mid afka ah oo uu sumcadda kaga dilayo darafka kale ama uu garab siyaasadeed ama mileteri kaga doonayo cid saddexaad.
Malaha taasi waxay ku fiicnaan lahayd Marka Ay dagaalamayaan dawlado isu adeegsanaya Xogo sirdoon oo la abuuray sidii kuwii ciraaq iyo liibiya ama Kuwo run ah oo la hubiyey sidii weerarkii israaiil ku qaaday warshadii nuclearka ee laga dhisayey Iiran.
Ma banaana dad shacab ah oo ka gadooday maamulkii gacanta ku hayey, in lagu tilmaamo argagixiso iyo alshabaab iwm.
Waxaa taliyuhu tilmaamay Cabdi Madoobe, oo wata Xoogaa ciidan ah oo kasoo guuray Buuhoodle.
Haddaba Cabdi Madobe markaan si xaqqiiq ah u baadhay waxaa ii caddaatay in aanu ahayn alshabaab iyo alqaacida midnaba sababahan dartood.
Waa tan koobaade, xerada uu degan yahay dhawrka sano ee ku taal buuhoodle iyo xerada ciidanka ethiopia ee buuhoodle waxaa u dhexeeya masaafo aan ka badnayn 3ama 4km. Waxay ka wada shaaheeyaan makhaayadaha magaalada. Waa dawladda maanta geeska ugu Xoog weyn uguna sirdoonka saraysa. Wax calaamad ahna ma saarin.
Tan labaad maaha nin dhuunta ama qarsoodi ku jooga deegaanka ee Waa nin sI caadi ah ugu dhex nool beesha.
Tan sadexaad magaca uu sitaa Waa SSC oo la macno dhulbahante, dhulbahantena Dee argagixiso maahee mabaadii iyo afkaar bay isku hayaan Somalilandta kale. Mana aha in nin madax ahi yidhaahdo waa aragagixiso dhulbahante.
Waxaa laga yaabaa in uu xambaarsan yahay afkaar uu rabo in uu ku gaadho madaxtinimo oo uu u arkay in uu ku gaadhi karo awood ciidan, taa soo aan maanta aduunka ka suuragal ahayn.
Isticmaalka ereyga argagixiso in Loo adeegsado kacdoonka Shacabku wuxuu keenayaa kala fogaansho iyo nacayb aan dawo loo helin.
Maaha Isimadu argagixiso lkn siyaasad baan isku haynaa.
Shacabkii ka gadooday dawladu wax Ha ka qabato argagixisada madaxa duubata ee na laysa, nuuxow maaha argagixiso mana gayaan.
Waa wax la filayo aduunkoo dhamina ka walaacsan yahay haddii dagaalka gobolku sii dheeraado in ay iman karaan kooxo iyo xubno argagixiso ah oo raba in ay ka samaystaan aagaas marin ay u maraan dalalka jaarka iyo aduunka kale.
Waxaan ku talinayaa in ciidanka Qaranka iyo xukuumaduba ka fogaadaan ereyada culus ee kuwan oo kale ah nabadana fogeynaya.
waxaa Qoray:-