Qaxoonti Itoobiyaan ah oo lagu celiyay dalkoodii

Hargeysa (Qaran)-Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakaceyaasha Qaranka Somaliland ayaa dalka ka ambabixisay qaxoonti ka soo jeeda dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia.

Dadkan oo dib loogu celiyay saaka dalkoodii ayaa tiradoodu dhammayd 31 qof oo qaxoonti ah,waxa aanna ka warbixiyay dadkan qaxoontiga ah ee ay saaka Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakaceyaasha Qaranka Somaliland dib ugu celisay dalkoodii Ethiopia Agaasimaha Waaxda soo noqdeyaasha ee hay’adda Qaxoontiga iyo Barakaceyaasha Qaranka Somaliland ,waxa aannu tilmaamay in ay saaka dalka Somaliland ka amba bixiyeen,una amba bixiyeen dalkoodii Ethiopia 31 qof oo ka kooban 5 qoys.

Agaasimaha Waaxda soo noqdeyaasha ee hay’adda Qaxoontiga iyo Barakaceyaasha Qaranka Somaliland waxa uu cadeeyay in dadkani ay iyagu dalbadeen in dalkoodii dib loogu celiyo,iyaga oo maray dhammaan nidaamyada loo maro dadka la celinaayo,sida Agaasimuhu sheegay.

Celinta dadkan ayaa waxa iska kaashaday Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakaceyaasha Qaranka,Hay’adda IOM iyo Safaaradda dalka Ethiopia ee caasimadda Hargeysa,sida uu sheegay Agaasimaha Waaxda soo noqdeyaasha ee hay’adda Qaxoontiga iyo Baraceyaasha Qaranka Somaliland