Xukumadda Cirro ayaa qiimaha korontada magaalaa-xeebeedda Berbera ka dhigtay labaatan senti [$0.2] halkii kiilo waad — Tan oo ka dhigan qiimaha koronto ee ugu raqiisan guud ahaan magaalooyinka dhaca xeebaha ee mandaqada oo dhan.

Qiimo dhimista korontada ee magaaladdda Berbera ayaa qayb ka ahayd ololihii uu madaxweynaha Somaliland Dr Cabdiraxmaan Mohamed Abdullahi Cirro uu ku galay ololihii doorashada oo uu balan qaaday in magaalada Berbera ay heli doonto koronto jaban hadii uu ku guulaysto kursiga madaxweynaha taasi oo uu madaxweyne Cirro kaga dhabeeyay balanqaadkii uu u balan qaaday reer Berbera oo la tacaalaayay koronto qaali ah.

Qiimo dhimista qiimaha korontada ayaa ay dadweynaha reer Berberi ay aad u soo dhaweeyeen isla markaasna ay madaxweynaha Somaliland uga mahad celiyeen ficilkaasi uu kaga dhabeeyay.

Madaxweyne Cirro ayaa balanqaadyo uu u saneeyay gobolada Awdal iyo Hawd ka bilaabay wadooyin iyo biyo soo saaris.