Hargeysa,(Qaran news)-Qiimaha shilinka Somaliland ayaa kor u soo kacay tan iyo ilaa shalay marka la garab dhigo ama lagu sarifaayo lacagta doollar ka oo ah lacagta labaad ee ka shaqaysa suuqyada Somaliland.

Lacagta doolarka ayaa hoos u sii dhacaysa marba marka ka danbaysa, ilaa hada ma cada sabata rasmiga ah ee ka danbaysa hoos hoos u dhaca ku yimid lacagta doolarka in kasta oo caalmka uu doolarku hoos u sii dhacayay hadans warar aan helayno ayaa sheegaaya in Xukuumaddu sy cashiurahii ay ks qaadi jirtay dalka oo dhan laga dhigay shilinka Somaliland siiba cashuuraha dekadda taasi oo la sheegaayo in ay qiimo u yeeshay shilinka Somaliland mana jiraan wax war ah oo ilaa hadabka soo baxay Baanka Somaliland oo khuseeya isbadalka xawliga ku socda ee
Ku yimid sarifka.

Dhanka kale waxa lagu wadaa in macershadu ay hoos u dhcdo xiligani oo ah xili ay inagu soo food leedahay bishii barakaysnayd ee Ramadan taasi oo ay faa’iido weyni ay ugu jirto dadka dantarta ah iyo guud ahaan shicibka reer Somaliland.