Qodobo ay soo saareen Qaar ka mida Culimada Somaliland oo ka hadlay Xaaladda Laascaanood.
” Maanta oo ay Taariikhdu tahay 22-Rajab-1444 kuna began 13-Feb-2023 waxay Culimada Somaliland halkan kasoo jeedinayaan Baaq nabadeed oo ku saabsan Xaaladda Magaaladda Laascaanood, iyaga oo aad uga tiiraanyeysan khasaaraha naf iyo maalba leh ee halka ka dhacay iyada oo laga fursan karayey, Qadarka Allahna waa halkiisa.
Baaqani wuxuu ku wajahan yahay :-
1. Xukuumadda Somaliland
2. Garaadada iyo Ismada reer Sool
3. Bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto
4. Warbaahinta iyo Baraha-bulshada ee Soomaalida
5. Qurba joogta Qodoba Baaqa:
1. Culimadu waxay tacsi udirayaan ehelada iyo qaraabada dadkii halkaa ku waxyeeloobay:-
– inta dhimatay Ilaahay ha unaxariisto.
– inta dhaawaca ahna Ilaahay u booga dhayo
– inta barakacdayna ilaahay baradoodii nabad ha ugu soo celiyo
– Hantidii ay ku waayeena Ilaahay ciwad khayr qaba ka siiyo
2. Culimadu waxay xasuusinayaan labada dhinacba in dhiiga muslimka ee daadanayaa uu xaaraan yahay iyadoo lagu jiro bilihii Xurmada Lahaa (Rajab). Waxaanay xasuusineynaa Xadiithkii Nebi SCw ee ahaa
)إن دﻣﺎءﺋﻜﻢ وأﻣﻮال وأﻋﺮاﺿﻜﻢ ﺣﺮام ﻋﻠﯿﻜﻢ(
3. Culimadu waxay cod dheer ugu baaqayaan adkaynta iyo hirgelinta Xabadjoojinta.
4. Si’gaar ah Culimadu waxay ugu baaqayaan Xukuumadda Somaliland iyo Garaadada in ay hirgeliyaan talaabo walba oo suurtagelinaysa dhamaystirka xabad joojinta.
5. Culimadu waxay ugu baaqayaan labada dhinac in khilaafka jira lagu dhameeyo wadahadal iyo wadaxaajood ku salaysan Shareecada Islaamka waxaanay umadda Soomaaliyeed xasuusinayaan in dagaaladii mudada dheer soo socday ee Soomaali udhexeeyey aan khasaare wax aan ahayn laga faa’iidin
)ﻓﺎن ﺗﻨﺎزﻋﺘﻢ ﻓﻲ ﺷﻲء ﻓﺮدوه اﻟﻲ ﷲ واﻟﺮوﺳﻮل ان ﻛﻨﺘﻢ ﺗﺆﻣﻨﻮن ﺑﺎ@ واﻟﯿﻮم اﻻﺧﺮ(
6. Culimadu waxay ugu baaqayaan guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, bahda warbaahinta iyo baraha bulshada in ay Ilaahay ka baqaan iskana hubsadaan wararka ay faafinayaan iyo hurinta colaadda sokeeye waxaanay xasuusinayaan Qawlka Allah
)ﯾﺎﺋﮭﺎ اﻟﺬﯾﻦ آﻣﻨﻮا ان ﺟﺎﺋﻜﻢ ﻓﺎﺳﻖ ﺑﻨﺒﺈ ﻓﺘﺒﯿﻨﻮ ان ﺗﺼﯿﺒﻮ ﻗﻮﻣﺎ ﺑﺠﮭﺎﻟﺔ ﻓﺘﺼﺒﺤﻮ ﻋﻠﻰ ﻣﺎ ﻓﻌﻠﺘﻢ ﻧﺎدﻣﯿﻦ( اﻟﺤﺠﺮات
7. Culimadu waxay ugu baaqayaan Qurbajoogta iyo Qaranjoobtaba in ay Ilaahay ka baqaan oo ka qayb qaataan xoojinta nabadda iyo horumarka kana waantoobaan hurinta colaadda iyo fidnada.
8. Culimadu waxay diyaar uyihiin in ay kaalin mug leh ka qaataan daminta colaadda iyo nabadaynta dadka walaalaha ah, sidoo kale waxay ugu baaqayaan.
9. Culimadu waxay ugu baaqayaan dhamaan bulshada Soomaaliyeed in ay ka qayb qaataan samafalka iyo taakulaynta walaalaha dhibaatadu kasoo gaadhay colaada Laasacaanood waxaanay diyaar uyihiin in ay kaalin mug leh ka qaataan.
10. Culimadu waxay laba dhinac xasuusinayaan in walaaltinimada Islaamku iyo ehelnimadu ay asal tahay loona adeegsan burburinteeda shaadh Qabiil iyo Shaadh diimeen midnaba.
Ilaahay waxaan ka baryeynaa in aan qof danbe inagaga dhiman dhibkuna halkaa isku taago”