Qof kasta oo inuun S/land lexejeclo ka hayso,Qof kasta oo inyar Damiir dadnimo ku jirto waa inuu si qayaxan uga hor yimaadaa ololaha geerida ee Laascaanood ka socda

Qof kasta, hadda qof kasta oo in uun Somaliland lexejeclo ka hayso. Qof kasta oo in yar oo dadnimo amma damiir ahi ku jirto, waa in uu si qayaxan u ga hor yimaaddo ololaha geerida ee Laascaanood ka socda. Dhulbahante in ay Somaliland ka mid noqdaan oo wax la yeeshaan Muuse ayaa ka diiday, heshiiskii la la galay na wuu jeexjeexay oo xashiishka ku daray. Wada tashi iyo wax wada yeelasho hadii la diido, ka la tashi iyo wax ka la yeelasho Khasab ayay u imanaysaa. Qofka aaminsan in Dhulbahante xabbad iyo xoog Somaliland lagaga dhigi karoow, gudcur baad gudaysaa, uunka Ilaahay oo dhan na adiga ayaa u gu aragti gaaban. Qof kasta oo Somaliland dan ka lihi ha ka shaqeeyo aamusiinta qoriga iyo joojinta dilka. Ciidanka SL waa in Laascaanood iyo deegaamada Dhulbahante la ga soo qaado, miyir qab na la gu wada hadlo. Siyaasi ahaan hadii la isu fahmi waayo, xabbad la is ku fahmi maayo, kuwa waxaas u durbaan tumayaa na waa doqomo aanu caqli ku duugnayn. Dadku doqomadoda dib ayay mariyaan oo u taliyaan, laakiin Somaliland, gaar ahaan beesha Isaaq, doqomada ayaa hor booda. Walaahi, oo Bilaahi, oo Tolaahi, haddii xabbaddu toban sanno socoto, sanadka 11aad waxa uu bilaabmayaa iyaka oo Dhulbahante halkooda jooga, Somaliland na aan ogolayn. Taasi waa xaqiiqo, xaqiiqada taas ah na waxa dood ka keeni kara uun qof keliya – waa qofkii dood ka qaba xaqiiqada ah in Cadceedu ay subax walba jihada Bari ka soo muuqato, oo Galbeed na ku libidho. Besba. Waar dagaalka ha la joojiyo, hadii aan la joojinayn na, Biixi iyo Kaahin wiilashooda buurbuuran ee Hargeysa joogaa safka hore ha soo galeen. Taasi ma dhacayso oo waa xaqiiqo saw ma aha? Hadaba xabbaddu xal ma aha ee xabbaddda ha la joojiyo. Culimadu ha cadayso wiilasha Hargeysa la ga diray ee Laascaanood ku dhimanayaa in ay xaqdarro ku dhimanayaan oo wax ku dilayaan. Qof kastoow wiilkiina u sheeg xaqiiqada taas ah, kacdoon shacbi na ha la sameeyo. Somaliland ha la badbaadiyo.
Waxaa Qoray:-

Maxamed Haaruun Biixi