Filimaayo inuu jiro Qof ku abtirsada deegaanka Sool-bari oo ka Aqoon iyo Waayo-aragnimo badnaa oo Tolkii inuu guuleysto ka jeclaa Dr Cali Khaliif Allah ha u naxariistee.

Marxuum Cali Khaliif oo wakhti aad u badan ku bixiyay Jihaynta Tolkii iyo u sahaminta guri barwaaqo waxa uu isu maray dalal kala duwan, waxa uu tegay Muqdisho iyo Somali-weyn, Jabuuti iyo meelo kale, wuxuu dhidibada u taagay Maamulkii Khaatumo oo uu Madax ka noqday, waxaanuu baadi goobay oo daraasad qoto dheer uu ku sameeyay meesha ay Dantu ugu jirto dadkiisa uu metelayay.

Aakhirkii waxa uu Marxuum Cali Khaliif garawsaday oo uu xaqiiqsaday in Danta dadkiisa reer Laascaanood ay ku jirto inay wax la qabsadaan Walaalahood reer Somaliland, waxaanuu maalin cad ku dhawaaqay heshiiska iyo ka mid noqoshada Jamhuuriyada Somaliland.

Allah ha u Naxariistee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilnaanyo ayaana magaalada Caynaba kaga hor tagay oo soo dhaweeyay Marxuum Cali Khaliif taariikhdu markay ahayd 20/10/2017 waxaanay kala saxeexdeen qodobo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen;

In la helo cadaalad, sinaan iyo nabad ku wada noolaansho.
In la wada ilaaliyo jiritaanka iyo madaxbanaanida Somaliland.
In khilaaf kasta oo jira lagu dhameeyo wada hadal iyo jid nabadeed.
In dastuurka dib loo furo, si loo sugo awood qeybsi ku dhisan cadaalada iyo Sinaan, guddi joogto ahna arrintaasi loo saaro.
Nasiib darro Xukuumadii Muuse Biixi Cabdi oo ay ahayd inay sii ambo-qaado heshiiskaas ayaa ka gaabiyay, taasoo aakhirkii niyad-jab weyn ku riday Dr Cali Khaliif Allah ha u naxariistee.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ee imika Talada haya Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa qorshihiisa hogaamineed meel sare ka galiyay inuu isku soo dumo oo isu keeno Ummada reer Somaliland ee kala irdhowday, isaga oo qaaday Tallaabooyin Muhiim ah oo midho dhal noqday oo aynu ka xusi karno soo guryo noqoshada Suldaan Wabar iyo Ugaas Rooble iyo Suldaan Cabdisalaan oo Ceerigaabo uu ku qaabilay.

Waa Talaabo dhiirri gelin mudan dedaalka uu Madaxweyne Cirro ugu jiro inuu dalkooda iyo dadkooda dib ugu soo celiyo Reer Sool oo dhibaato aad u culusi ay waajahay mudadii ay Qarankooda ka maqnaayeen, taasoo imika ay xaqiiqsadeen inaanay jirin meel u dhaantaa Walaalahooda reer Somaliland.

Amb Kaysar Maxamed