Waxa soo xoogaysanaaya wararka sheegaaya in rag ka soo jeeda Somaliland iyo Kilinka Somaalida ee Itoobiya shalay lagu laayay iyaga oo safar ku dhex maraaya gudaha Itoobiya. Waxana la xaqiijinayaa in ay dilkaasi gaysteen Canfarta oo baryahanba dagaalo u dhexeeyeen Somaalida Itoobiya. Waxana jira rag ka bad baaday isku day dil oo ay wada safrayeen kuwa la laayay

Baraha bulshada iyo warbaahinta kaleba waxa lagu baahiyay faah faahin ku saabsan dhacdadani.

Saddexdii nin ee ka bad baaday isku daygii dil ee Canfarta .
Sadexdu Waxey kasoo kala Jeedaan Somaliland Iyo Kilalka Somalida
Waxaa Kaloo La Diley Rag Ay kujiraan Rag Somaliland Udhashey Oo Ganacsadayaal Ahaa .
Sida Ganacsade Mowliid Maxamed Cabdi ( Mowliid Basra )
Rabbi How Naxariisto

1. Badri Muuse Yuusuf
2. Sucuudi Muxumed Muuse Ninka Dhaawaca Ah
3. Cali Xuseen Jaamac..

Hada waxaay ku Jiraan gacanta ciidanka Nabadgalyada Fadaraka Ethiopia