Rajada wadahadalka Mareykanka iyo Iran oo cadaadis saaray Netanyahu
Iyadoo ay jiraan calaamado iskhilaafsan oo ku saabsan qorshaha Mareykanka ee wadahadallo cusub oo lala yeesho Iran, haddana waxaa sii socda isdhaafsiga rasaasta ee u dhaxaysa Iran iyo Israa’iil—oo ah labada cadowga isku ah ee ugu weyn Bariga Dhexe.

Iran ayaa xalay dhowr gantaal ku ridday bartilmaameedyo ku yaalla waqooyiga iyo koonfurta Israa’iil, ka dib markii Israa’iil ay Isniintii fulisay “tobnaan” weerar oo xagga cirka ah oo ka dhex dhacay gudaha Iran.

Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay inay garaaceen xarumaha taliska ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), wasaaradda sirdoonka ee Tehraan, bakhaarro hub iyo nidaamyada difaaca hawada.

Agagaarka goobta u dambaysay ee uu qaraxu ka dhacay waqooyiga Tel Aviv, balakoonnada dhismooyinka ayaa dumar, darbiyaduna waxay ku dhex daadanayaan god weyn oo u dhexeeya dhismooyin deegaan ah.

Wararka maxalliga ah ayaa soo jeedinaya in tani ay ahayd weerar toos ah oo ka yimid gantaalIran laga soo ganay oo si dirqi ah ku dhaafay dhowr dhismo oo dabaqyo ah. Lix qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhaawacmeen weerarka, inkastoo aysan jirin dhaawacyo halis ah.

Bbcsomali