Raxan Waraabayaal Ah Oo Halis Galin Kara Nafaha Dadka Ku Dalxiisa Buuraha Naaso Hablood.

Waraabayaashan Tirada badan oo lagu arkay Agagaarka buuraha Naaso hablood ee dadwaynaha Hargeysa waayadan danbe ay u dalxiis tagaan, ayaa ahaa kuwo aan dadka ka baqanayn oo wax yeelo gaadhsiin kara sida uu sheegay Xildhibaan Cumar Jaamac Farax.
Dadwayanaha waxaan ugu baaqayaa inay foojignadaan oo taxadar dheeriya ay sameeyaan, ubadkana ay ka war hayaan goobaha ay marayaan, xiliga ay ku dal xiisayaan buuraha Naaso hablood madaamo oo ay joogaan bahalaaasi khatarta ku keeni kara,Sidaas waxaa yidhi Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax.