“Reer Sool talo shacab ku tageen kuma imanayaan Guddoomiye Baaralamaan” Axmed Muumin Seed
Hargeysa(Qaran) Siyaasiga Axmed Muumin Seed ayaa sheegay in reer Sool ay ku tageen talo shacab isla markaana aanay ku soo noqonaynin Guddoomiye Baarlamaan iyo Madaxweyne Kuxigeen toona.
Axmed Muumin Seed oo u warramay Weriye Faysal Fifa, wuxuu jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Wasiir ku xigeenka caafimaadka oo sheegay in reer Awdal aanay ku tashan inay qaatasn kursiga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee bannaanaaday.
“Wasiir kuxigeenka caafimaadku wuxuu inoo sheegay in uu u arko in aanay dadka reer Awdal fikirin marka uu leeyahay reer Awdal talo kumay gaadhin inay isu sharraxaan guddoomiyaha Golaha Wakiillada. Waxaan leeyahay arrintaas waxa ku gaadhay aqoonyahanka, salaadiinta,dhallinyarada iyo bulshada gobolka Awdal,” ayuu yidhi Axmed Muumin Seed. Waxaanu intaas ku daray “Reer Sool waxay ku tageen talo shacab kuma imanayaan guddoomiye Baarlamaan iyo madaxweyne ku xigeen. Haddii ay ku imanayaan anigaa
odhanaya reer Awdalow ka tanaasula.”
Mr.Seed wuxuu ku eedeeyay Wasiirka Ganacsiga oo u sharraxan madaxweyne kuxigeenka KULMIYE inuu yidhi waxasn cod ka wada doonayaa reer Awdal oo isku dhan, hase ahaatee uu haddana badhasaabkii gobolka ka soo dhigay wiil uu adeer u yahay. Waxa kaloo uu ku edeeyay inuu imikana ku socdo Maayarka Boorame iyo iskuduwaha maaliyada ee gobolka Awdal.