Xilliyada dhow waxa la filan karaa in ay soo bataan haldoorka Reer Laascaanood iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ee dib ugu soo noqonaya Somaliland ama bilaabaya isu soo dhawaansho siyaasadeed iyo bulsho.
Sidoo kale, waxa suuragal ah in ay bilowdaan heshiisyo hordhac ah oo dhex mara Somaliland iyo Sool Bari, kuwaas oo gogol-xaadh u noqon kara wada-hadal iyo is-afgarad ballaadhan.
Arrinta maxaabiistuna waxay noqon kartaa meelaha ugu horreeya ee laga gaadhi karo heshiis iyo tallaabooyin kalsooni-dhis ah.
Hadda waxa jira shirar muhiim ah oo magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku dhex maray waftiga Madaxweynaha Somaliland iyo masuuliyiin isugu jira madax-dhaqameed iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Sool Bari. Kulamadaasi waxay qayb ka noqon karaan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee gogol-xaadhka u ah isu soo dhawaanshaha labada dhinac.
Dhanka kale, waxa hoos u dhici kara xidhiidhka heer bulsho ee Puntland iyo Somaliland, gaar ahaan haddii isu soo dhawaanshaha Somaliland iyo Reer Laascaanood uu sii xoogaysto.
Puntland gudaheeda waxa sidoo kale ka soo bixi kara codad iyo kooxo si weyn uga soo horjeeda isu soo dhawaanshaha Somaliland iyo Reer Laascaanood, iyaga oo u arki kara isbeddelkaasi inuu saamayn ku yeelanayo miisaanka siyaasadeed iyo danaha gobolka.
Isbeddelladan oo kale waa wax iska caadi ka ah siyaasadda Soomaalida dhexdeeda. Dabayluhu haddii ay shalay bari ka soo dhacayeen, berri dhinac kale ayay ka soo dhici karaan. Siyaasaddu saaxiib iyo col joogto ah ma laha, duruufaha iyo danaha ayaana jihadeeda beddela.
Sultaan Abdikarim





